“Maamulka La Liga Messi Uma Ogolaan Karo Inuu Tago, Qalad Ayay Noqon

Madaxweynaha kooxda Getafe ee Angel Torres ayaa shaaca ka qaaday in maamulka horyaalka La Liga aysan ogolaan karin in kabtankii Barcelona ee Lionel Messi uu kooxdaasi ka tago haddiiba ay taasi dhacdana ay qalad noqon doonto.

Heshiiskii uu Messi ku joogay Barca ayaa dhacay bil kahor 34 sano jirkaas ayaana mudadaas koox la’aan ah walow lagu wado inuu heshiis cusub oo shan sano ah qalinka ugu duugo kooxda uu 17-ka sano safkeeda koowaad kasoo tirsanaa.

Sababta aan wali heshiiska cusub ee Messi loo saxeexin ayaa ah inay Barcelona dhaaftay xadiga mushahar bixinta horyaalka La Liga sidaas darteedna ay tahay inay marka hore ciyaartoy dirto.

Haatan madaxweynaha Getafe Mr Angel Torres ayaa sheegay inuu xaalada Leo kala hadlay dhigiisa Barcelona ee Joan Laporta iyo dhigiisa La Liga ee Javier Tebas isla markaana ay qalad noqon doonto haddiiba xiddiga ugu fiican dunida oo uu Messi ku sifeeyay uu meel aan ahayn horyaalkaasi ku hawl-gabo.

Torres ayaa yidhi “Waxaan kala hadlay Laporta iyo Javier Tebas, La Liga uma ogolaan karo Messi inuu tago, taasi qalad ayay noqon doontaa dhammaanteena waynu ka qoomamayn doonaa, xiddiga ugu fiican dunidu waa inuu Spain ku hawl-gabaa”

“Iyadoo loo hoggaansamayo sharciyada xakamaynta dhaqaale (Waa in Messi heshiis cusub laga saxeexo) laakiin wakhtiyada qaar waa inaad gacantaada yar weeciso, waxaan filayaa inay La Liga sidaas u fikirayaan, haddii uu baxo dhammaanteen waynu dhaawacmaynaa”

Warar hore ayaa sheegayay in xataa Real Madrid oo uu xifaalyan weyni kala dhaxeeyo Barca aysan diidi doonin haddii sharci ahaan la fududeeyo heshiiska cusub ee Messi maadaama oo uu shaqsiyan dhaqaale iyo sumcad badan horyaalka u keeno.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More