Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee diida qaraar Qaramada Midoobay looga gol leeyahay in lagu xoojiyo tallaabooyinka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo rabshadaha loo geysto haweenka iyo gabdhaha, halka Maraykanka iyo Ruushku ay ku biireen afar dal oo kale oo ka aamusay codbixinta.
QARAMADA MIDOOBAY — Qaraarka oo ay soo jeediyeen Faransiiska iyo Britain, ayaa Talaadadii ansixinta ka helay Guddiga Saddexaad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, isagoo ku meel maray 175 cod oo taageeray iyo hal cod oo diiday, halka lix dal ay ka aamuseen. Waxa uu ugu baaqayaa dalalka xubnaha ka ah inay qaataan tallaabooyin ballaaran oo looga hortagayo rabshadaha, cabsi-gelinta iyo weerarrada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, iyadoo la xoojinayo sharciyada iyo siyaasadaha qaran ee lagula dagaallamayo.
Qaraarku waxa uu ballaarinayaa qeexidda rabshadaha si ay ugu jiraan xadgudubyada internetka iyo kuwa dhijitaalka ah. Waxa uu dowladaha ugu baaqayaa inay dejiyaan sharciyo iyo siyaasado haweenka iyo gabdhaha ka ilaalinaya dhibaataynta internetka, sumcad-dilka iyo hadallada nacaybka.
Faransiiska, oo qaraarka qabyada ah la soo bandhigay Britain, ayaa tilmaamay khatarta sii kordheysa ee xadgudubyada ay suurtageliyeen teknoolojiyaddu. Waxa uu sheegay in haweenka ku nool qaar ka mid ah dalalka adduunka ay si isa soo taraysa ula kulmayaan rabshado lagu fuliyo baraha dhijitaalka ah iyo teknoolojiyado kale.
Warbixin uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres soo saaray bishii Agoosto ayaa sheegtay in ku dhowaad 50,000 oo haween iyo gabdho ah ay sannadkii 2024 ku dileen lammaanayaashooda ama xubno kale oo qoysaskooda ka tirsan.
Warbixintu waxa ay sheegtay in teknoolojiyaddu ay rabshadaha ka dhanka ah haweenka u gudbisay dhinaca dhijitaalka ah, halkaas oo dabagalka, basaasnimada iyo dhibaataynta internetka si isa soo taraysa loogu adeegsado la-socodka iyo xakamaynta dhibbanayaasha. Waxa ay tilmaantay in aaladaha raadraaca GPS-ka, barnaamijyada basaaska iyo codsiyada la-socodka ay ka mid yihiin agabka ay adeegsadaan dembiilayaashu.
Wada-xaajoodyada ku saabsan qaraarka ayaa muddo dheer socday, iyadoo khilaafaadka waaweyn ay diiradda ku saarnaayeen tixraacyada caafimaadka galmada iyo taranka, ilmo iska soo rididda si ammaan ah iyo eray-bixinno kale oo la xiriira jinsiga.
Maraykanka, oo ay codbixinta ka aamuseen Ruushka, Argentina, Burkina Faso, Belarus iyo Cameroon, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in qaraarku weli xambaarsan yahay tixraacyo ku saabsan caafimaadka galmada iyo taranka iyo ilmo iska soo rididda si ammaan ah.
“Ma jiro ‘xaq caalami ah oo ilmo iska soo ridid ah,’” ayuu Maraykanku ku sheegay sharraxaaddiisa codka.
Ergooyinku waxay sidoo kale diideen wax-ka-beddel la soo jeediyay oo qaraarka hoos geyn lahaa qodob ballaaran oo ku saabsan madaxbannaanida qaran. Dalal dhowr ah ayaa dalbaday in wax laga beddelo eray-bixinta ku saabsan rabshadaha lammaanaha, kufsiga guurka dhexdiisa iyo noocyada is-dulsaaran ee takoorka. Wufuud kale ayaa dhaliilay dadaalladaas, iyagoo ka digay inay daciifin doonaan ilaalinta haweenka iyo gabdhaha.
Boqortooyada Midowday ayaa soo dhoweysay codbixinta, iyadoo sheegtay in haweeney kasta 10-kii daqiiqo mar uu dilo lammaane ama xubin qoyska ka tirsan, waxayna tirakoobka ku tilmaantay mid laga naxo.
Midowga Yurub ayaa isna soo dhoweeyay natiijada, isagoo dilalka la xiriira jinsiga ku tilmaamay aafo caalami ah, wuxuuna sheegay in codbixintu muujisay sida ay beesha caalamku weli uga go’an tahay soo afjaridda rabshadaha ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Ansixinta Guddiga Saddexaad kama dhigayso qaraarka mid kama dambays ah. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa weli si rasmi ah u ansixinaya bisha Diseembar.
AXADLETM