Habraaca cusub ee doorashada oo dib u soo
Muqdisho (Axadle) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Axaddi war-murtiyeed kasoo baxay waxaa lagu shaaciyey habraac cusub oo doorasho, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay habraacii hore ee doorashada Golaha Shacabka.
Habraaca la soo saaray ayaa dhigaya in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.
Sidoo kale waxa uu dhigayaa in kooramka codbixinta ergada uu…