Dhuusamareeb (Axadle) – Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg, Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa beeniyey in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay la wareegen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne, xilli shalay ay kooxdaas qabsatay labada magaalo.
Wasiir Falagle ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koonfurta gobolka Mudug, midaasi oo la rumeysan…