Jabuuti oo Hogaamiye Biixi ku eedaysay xaalad abuur

 
Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) – Jamhuuriyada Jabuuti ayaa markale iska fogaysay in ay martigalinayso jabhad ka dhan ah jiritaanka Gobaladda Waqooyi.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay Jabuuti ku suntantahay wada noolaanshaha iyo ilaalinta waddamada ay jaarka la tahay.
“Siyaasada Jamhuuriyada Jabuuti waxay ku dhisantahay isxaqdhawr iyo wada noolaanshaha dowladaha iyo umadaha aanu jaarka nahay, Jabuuti waxay ka shaqaynaysa nabada iyo daganaanshaha gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Jabuuti waxay nasiibdaro ku tilmaantay eedayntii Hogaamiye Biixi ee ahayd in ay martigalisay jabhad ka dhan ah jiritaanka Gobaladda Waqooyi, waxayna sheegtay in hadalkaasi uu ahaa mid abuuraya xaalad aan loo baahnayn.
Qoraalku waxa uu intaa ku daray in shacabka reer Jabuuti iyo shacabka Somliland ay yihiin laba shacab oo daris wanaag iyo walaalnimo ka dhaxayso isla markaana anay Jabuuti ka suuroobin in ay ku kacdo fal wax u dhimanaya nabadgalyada Gobaladda Waqooyi.
“Jabuuti waxay sii wadi doontaa siyaasadeeda ku suntan adkaynta nabada iyo wax wada qabsiga umadaha aan walaalahanahay” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Marka laga yimaado iska fogaynta Jabuuti ee jiritaanka jabhada, Hoggaamiyayaasha Awdal State ayaa ku sugan Jabuuti, iyaga oo caasimada Jabuuti hadal hanjabaad ah uga soo diray Gobaladda Waqooyi.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More