Browsing Tag

oo

Amnesty oo sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo uu Turkiga ka geystay Soomaaliya

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Amnesty International ayaa sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay labo weerar oo ka dhacay Soomaaliya oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2 oo ay samaysay shirkadda Turkiga ee Baykar, taasoo ay sheegtay in laga yaabo inay noqoto dambiyo dagaal.Amnesty waxay sheegtay in weerarradaas oo dhacay 18 March 2024, lala beegsaday dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween, kuwaas oo ka soo jeeda qabiilka Gorgaarte ee la hayb sooco.Dadka deegaanka ayaa Amnesty u sheegay…

Raysal Wasaare Xamse oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas Xalay kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.Raysal Wasaare Xamse ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarka dalka, isagoona warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka, fursadaha la heli karo, caqabadaha ku gadaaman dowlad dhisidda iyo dadaalada Xukuumaddiisa ay ku howlan tahay…

Xukumadda Soomaaliya oo beenisay in dad rayid ah lala beegsaday duqeymo ay geysteen diyaaradaha Turkigu

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare oo dad rayid ah oo ka dhashay duqeymo ah ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya oo ka jawabayay warbixin kasoo baxday hay’adda udoodda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa sheegay in aanay dawladdu hayn xog dad rayida oo wax ku noqday hawgallada ay ku jirto ee ka dhanka ah Al-shabaab.‘’Hawgallada dabcan ay ciidamadu ku jiraan waddanka oo dhan ayay ka socdaan, annagu waxa aan…

Xukumaddaha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta shir laba geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi

 Talaado, May, 7, 2024 (AX) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta khudbad ka jeediyay shir laba geesoodka ah oo u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka dhacay magaalada Naitobi ee Caasimada dalka Kenya.Shirkaan laba geesoodka ah waxaa ka qeyb galay xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, wuxuuna ahaa mid daba socday heshiisyadii ay shalay kala…

Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi

 Talaado, May, 7, 2024 (AX) - Xukumaddaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galinkii dambe ee Shalay ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is afgarad oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha Dibada, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.Heshiiskaan oo ahaa is afgarad dhexmaray laba dowladood ayaa waxaa u kala saxiixay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Axmed Macallin Fiqi iyo Musalia Mudavadi, waxaana heshiisyadaan ay yihiin kuwa kor loogu…

30 dal oo Africaan ah oo taageeray musharaxa Soomaaliya u wadato guddoomiyaha Midowga Afrika

 Talaado, May, 7, 2024 (AX) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxa Soomaaliya u taagan xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028.Wasiirka arrimaha dibbada ayaa sheegay in guul weyn ay u tahay Soomaaliya, maadaama ururka OIC ay xubno ka yihiin ku dhawaad 30 dal oo Afrikaan ah.“Soomaaliya waxay aad uga mahad celineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka…

Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show

 Talaado, April, 7, 2024 (AX) - Muxyadin Maxamed oo loo garan og yahay Muxyadin Show kana mid ah Wariyayaasha sida madaxa banaan uga howlgala Dowlad degaanka Soomaalida ayay Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig, kaddib markii lagu eedeeyay gudbinta hadallo naceyb oo bulshada iska horkeenaya iyo been abuur.Haddaba Ururka Saxafiyiinta ee Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show ayaa sheegay in xukunkaasi uusan ahayn mid sax ah oo cadaaladda waafaqsan, iyagoo…

Gobaladda Waqooyi oo shimbir xaalad caafimaad ugu qaaday dalka Jabuuti

 Talaado, April, 7, 2024 (AX) - Shimbir haad ah ayaa ku dhintay magaalada Lawyo-caddo kadib markii ay xukuumada Gobaladda Waqooyi u qaaday dalka Jabuuti si looga daweeyo dhaawac soo gaadhay.Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo waraysi siisay BBC Somali ayaa sheegtay in shimbirkan oo ahaa nooc haadka kamid ah oo sii dabar go'aya uu dhaawacmay kadib markii uu ku dhacay xadhig koronto, kadibna uu garabka ka jabay.Boondare waxay sheegtay in kadib markii uu shimbirku dhaawacmay ay caruur ka agdhawayd…

107 Muhaajiriin ah oo u badan Soomaali oo xoog looga soo furtay xabsiyo kuyaala Libya

 Talaado, April, 7, 2024 (AX) - Ugu yaraan 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga soo daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Liibiya.Walid Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi barista ee (CID) ee Benghazi, ayaa sheegay in muhaajiriinta, lagu hayay ilaa todobo bilood ay doonayeen inay aadaan Yurub.Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo ka hooseeya saxaraha Afrika, balse inta badan waxay ka yimaadeen Soomaaliya sida uu…

Xukumadda Fedaraalka oo ka digtay dhibaatooyin ka dhici kara 10 cisho gudahood gobolo ka mid ah dalka

 Talaado,  May, 7, 2024 (AX) - Hay'adda Maareynta iyo Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa soo saartay digniino hor leh ku aadan in maalmaha soo socda qaar ka mid ah gobolada dalka ka da'i doonaan roobab ay ka dhalan karaan daadad iyo fatahaado.War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda SODMA ayaa lagu sheegay in tobanka cisho ee soo socota roobabka filayo iney da'aan gobolada kala Hiiraan, Gedo, Jubbooyinka iyo Shabeelaha Dhaxe iney saameyn xoogan oo dhanka nolosha ah ku yeelan karaan dadka iyo duunyada kunool…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More