Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab

Sabti, May, 11, 2024 (AX) – Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Kuunyabarow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ku soo qabtay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Cali Dhaayoow ayaa lagu soo bandhigay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay isaga iyo hubkii uu watay.
Ninkaan ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa ku labisnaa dharka tuutaha ee ciidanka dowladda Fedaraalka, waxaana ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ay ku wareejiyeen ciidanka Nabadsugida ee ka howlgala degmada Buurhakaba.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed ay magaalada Baydhabo kusoo bandhigeen 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu soo qabtay howlgalo ciidanku ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka socda maalmahii ugu dambeeyay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More