Hogaamiye Xasan Sheekh oo fariin xasaasi ah u diray mucaraadaka dowladdiisa

 
Sabti, May, 11, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Shalay Salaadii Jimcaha kadib khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Masajid ku dhex yaala madaxyooyada dalka.
Hogaamiyaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, isagoona ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay in dalka laga ciribtiro kooxda Al-shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ugu baaqay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladiisa iney kusoo garab is tagaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa guud ahaan dalka.
“Maslaxada dalka mucaaradnimo ma gasho, aan u midowno inaan dalkeena ka kacsano khawaarijta oo aan ka difaacno itoobiya iyo cid kasta oo soo hamisa, war dalkaan aan u midowno oo wadajir aan ugu istaagno, waxaan u taaganay waa inaan helna dowlad an u taagnen koox koox, ma ficna inaan makrafoon mid mid meel ula kala istgaano” ayuu yiri Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya, iyadoo haatan xaalad siyaasadeed ay tahay mid sabeyneysa, tan iyo markii Baaralamaanka Soomaaliya ay ansixyeen wax ka beddelka dastuurka, taasoo si weyn uga horyimaadeen mucaaradka dowladda iyo halka Puntland  iyadu sheegtay in gabi ahaanba xiriirka u jartay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More