Wafdi uu hogaaminaayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo Maanta gaaray degmada Halgan ee gobolka Hiiraan

 
Axad, May, 12, 2024 (AX) – Waxaa Maanta degmada Halgan ee gobolka Hiiraan si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Wafdiga Ugaaska beelaha Xawaadle ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaal dhaqameed, Culuma’udiin, Dhalinyaro, Haween, Ganacsato, kuwaas oo ka ambabaxay barqanimdii maanta degmada Buula burte oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Ugaaska.
Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweeyn qiimaheedu sareeyo kadib loo galbiyay goob gaar ah oo looga sii diyaariyay magaalada Halgan, waxaana sawiro laga soo qaaday soo dhaweyntiisa ay muujinaayeen in aanan loo kala harin soo dhaweynta Ugaaska iyo wafdigiisa.
Waxgaradka Degmada Halgan oo si kooban ula hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yahiin soo dhaweeynta ay u sameyeen dadka reer Halgan Ugaas Yuusuf  Ugaas Xasan oo lagu wado in berito oo Isniin ah Taariikhdana ku began tahay 13-ka bisha May in lagu Caano Shubo deegaanka  Daara Ugaas oo ah ku yaala duleedka degmada Halgan.
Si kastaba ha ahaatee boqolaal dadweyne ah iyo ciidamo farabadan oo doonayo Iney ka qeyb galaan Caleema saarka Ugaaska ayaa maanta ka kala baxay Magaalooyinka Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Maxaas iyo Matabaan oo ah dhamaantood degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More