Browsing Tag

oo

Booliiska Gobaladda Waqooyi oo soo qabtay nin xalay dil ka gaystay magaalada Hargaysa

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa gacanta kusoo dhigay wiil ku eedaysan in uu xalay abaaro 11:00 uu wiil kale oo dhallinyaro ah middi ku dilay.Booliiska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud oo 17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Middi ku dilay Cabdixakiin Aadan C/laahi oo 18 jir ahaa, degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa."Dedaal iyo baadhid dheeriya oo ay sameeyeen ciidanka booliska gaar ahaan qaybta barigu, iyagoo kaashanaya…

Raysal Wasaare Xamse oo Baarlamaankii hore ku tilmaamay kuwa laaluush qaatayaal ahaa

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka horumarada ay ku talaabsatay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda Fedaraalka sidii ay u sii xoojin laheyd horumarada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo loo marayo barnaamij siyaasadeed ka kooban lix tiir…

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo rajo fiican ka muujiyay in uu markale ku guulaysan doono doorashada

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu isagu markale yahay musharaxa xibiga Kulmiye, isla markaana uu guulaysan doono.Waxa uu sheegay in uu diyaariyay doorashadii madaxweynaha oo la qaban doono 13 November ee sannadkan, sida ay baahisay warbaahinta xukuumada Gobaladda Waqooyi.“Doorashadii madaxtooyada Ka madaxweyne ahaan iyo aniga oo ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye waa naga diyaar waananu helaynaa" ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.Isaga oo ka jawaabaya dhawr…

Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya oo kala saxeexday heshiis Gobaladda Waqooyi loogu tababarayo ciidamo booliis ah

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Gobaladda Waqooyi ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub.Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska."Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo Hogaamiyaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala…

Nabadsugida Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.Xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee lagu soo bandhigay Baydhabo ayaa tiro ahaan gaaraya 12 ruux oo ay ciidamadu kusoo qabqabteen howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.Xubnahaan ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed ay soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al-shabaab u kala qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay kooxdu…

Xukumadda Soomaaliya oo ka codsatay Qaramada Midoobay in la joojiyo shaqada xafiiska UNSOM

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada…

Urur Goboleedka IGAD oo mashruuc biyo galin ah ka hirgelinaysa magaalada Tog-wajaale

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Urur Gobaleedka IGAD ayaa  magaalada Tog-wajaale ka hirgelinaysa mashruuc looga faa'iidaysanayo biyaha dhulka hoostiisa ah si kor loogu qaado iskaashiga wadamada jaarka ah ee Geeska Afrika. Masuuliyiintii kasocday wadamada urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Hogaamiyaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalooyinka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Gobaladda Waqooyi ayaa warbaahinta kula hadlay xudduuda labada magaalo. "Maanta waxaan halkan ujoognaa…

Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed oo howlgalo lagu qaaday isbaaroyin ka sameeyay degmada Bardaale

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ku guuleystay iney qaadaan isbaarooyin badan oo yaalay gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay oo gaarayay ilaa 10 jidgooyo.Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay gudaha degmadaas ka waday howlgalo ay ku doonayeen iney ku qaadaan isbaarooyinka u  yaalay gudaha degmadaas maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas kasoo jeeda.Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Baay oo ku sugan degmada Bardaale ayaa sheegay inaan loo…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya : 27 Milyan oo Doollar oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga Xukumadda 4-ta Bilood ee lasoo dhaafay

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar'id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay horumarka ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samayay kordhinta dakhliga gudaha ee dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka…

Kenya oo billowday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda Midowga Afrika

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Kenya ayaa billowday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u taageerto Raila Odinga oo Kenya u sharraxan.Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay, intii lagu guda jiray kulan Talaadadii May 7, dhexmaray Hogaamiye ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo ku sugan Nairobi.Kenya waxa ay sheegtay inay u ololeyneyso in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fawzia Xaaji…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More