Gobaladda Waqooyi oo shirkado shisheeye u kiraysatay dhameystirka heshiiska badda ee Ethiopia

 
Sabti, May, 18, 2024 (AX) – Gobaladda Waqooyi ayaa shirkado caalami ah u kiraysatay sidii ay uga caawin lahaayeen, si loo gaaro mowqifkeeda ku aaddan heshiiska kama dambaysta ah ee Ethiopia.
Sida ay daabacday warbaahinta laga leeyahay dalka Germany ee DW oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegtay in koox farsamo oo uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay u gudbiyeen talooyinkii ay ku heshiiyeen Itoobiya.
Kooxda, oo ay ku jiraan shirkadaha caalamiga ah ee qawaaniinta gaarka ah iyo qareennada Gobaladda Waqooyi, waxay bilaabeen inay ka shaqeeyaan dhameystirka heshiiska.
Gobaladda Waqooyi ayaa la sheegay inay soo bandhigtay saddex goobood oo suurtagal ah oo ay Itoobiya ka kireyn doonto, si ay uga sameysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.
“Saddexdan goobood ee aanu ka fikirayno magacyadooda si dhab ah uma sheegayno, balse waa wax la isla go’aamin doono dhiggiisa Itoobiya,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Gobaladda Waqooyi Ciise Kayd.
Wasiirka arrimaha dibbada Ethiopia ayaa sheegay, in Isla marka ay saxeexaan heshiiska saldhigga ciidamada badda iyo dhammaan shuruudaha ku xidhan, in ay Itoobiya ku dhawaaqi doonto aqoonsiga Gobaladda Waqooyi.
Xukumadda Soomaaliya ayaa horey u diidday heshiiska badda ee Gobaladda Waqooyi ay la gashay Ethiopia, iyadoo ku tilmaamtay heshiis xaaraan ah oo kasoo horjeeda madax bannaanida iyo gobonimada Soomaaliya.
Ethiopia oo cadaadis caalami ah kala kulantay heshiiskaan, ayaa sheegtay inay ku adkaysanayso fulinta heshiiskaas.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More