Munaasibada xuska 18 May oo looga dabaaldagay Gobaladda Waqooyi

 
Sabti,  May, 18, 2024 (AX) – Munaasibada 18 May ee 33 guurada kasoo wareegtay markii ay Gobaladda Waqooyi ku dhawaaqday gooni isutaaga 1991, ayaa si wayn looga xusay guud ahaan deegaanada Gobaladda Waqooyi.
Kadib maalmo ay shacabka Gobaladda Waqooyi dabaaldagyo isdaba joog ah ka dhigayeen magaalooyinka waa wayn, waxa saaka fagaarayaasha badadiba magaalooyinka Gobaladda Waqooyi layskugu yimid xuska 18 May.
Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, madaxda mucaaradka iyo saraakiil kala duwan, ayaa saaka magaalada Hargaysa kaga qaybgalay xuska 18 May, isaga oo madaxweynuhu uu salaan ka qaatay ciidamada kala duwan.
“Gobaladda Waqooyi maaha gobolo dal ka goosanaya sida Afrika ka baqato, cidwaliba waxay qirsantahay in aynu ahayn laba dal oo isku tagay, warbixintii Midowga Afrika ee 2005 waxay ku sheegeen in Gobaladda Waqooyi ay ka duwantahay arrimaha kale ee Afrika” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.
Madaxweynihii Hore ee Gobaladda Waqooyi Daahir Riyaale Kaahin oo isaguna munaasibada ka hadlay, ayaa shacabka Gobaladda Waqooyi ugu baaqay midnimo iyo isku duubni munaasibada xuska 33 guurada Gobaladda Waqooyi.
Munaasibada 18 May ayaa sidoo kale laga xusay badiba gobolada iyo degmooyinka Gobaladda Waqooyi, waxaana deegaanada kala duwan loo kala diray masuuliyiin ka tirsan xukuumada.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More