Gobaladda Waqooyi oo Soomaaliya ku eedaysay in ay caalamka u tustay in heshiiska Itoobiya uu yahay mid khatar ah

 
Sabti,  May, 18, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibada 18 May ka sheegay in uu dhawaan fulayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in Soomaaliya anay joojin karin.
Waxa uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi uu hada gabogaboyahay oo dhawaan qalinka lagu duugi doono, isaga oo Soomaaliya ku eedeeyay in ay adduunka jahawareerisay oo ay heshiiska ka dhigtay mid khatar ah, taasina anay run ahayn.
“Itoobiya waxay tidhi waxaanu doonaynaa in aad saldhig ciidan nasiisaan, anaguna aanu aqoonsiga Gobaladda Waqooyi kaw ka noqono, taasina tu la seegayo maaha” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.
Itoobiya ayaa daraad ka dhigtay wakiilkeeda Hargaysa safiir buuxa, iyada oo waliba ku dartay safiirada haysta awooda buuxda sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Aqalka Itoobiya, taasi oo uu Biixi ku tilmaamay hordhaca aqoonsiga.
Madaxa Guddida Farsamo ee ay Gobaladda Waqooyi u magacawday ka shaqaynta heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya Amb: Baashe Cawil ayaa dhawaan sheegay in wajigii kowaad ee heshiisku uu soo gabagaboobay isla markaana shirkad sharci oo Ingiriis ah ay u wakiisheen wajiga labaad.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More