Skip to content
Friday, October 30, 2026 18 Jumada al-Ula 1448 AH Asr 15:03
Muqdisho 29°C
Breaking: Misinformation Puts Health Workers Treating Ebola at Risk
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Taliyayaasha u sarreeya Askarta Itoobiya oo maanta soo gaaray magaalada Jigjiga

Follow
Newsroom published Updated 2 years ago 1-minute read
Taliyayaasha u sarreeya Ciidanka Itoobiya oo maanta soo gaaray magaalada Jigjiga

Khamiis, September, 5, 2024 (AX) – Taliyaha guud ee Askarta Itoobiya Berhanu Jula iyo Ku xigeenkiisa Janaraal Abebaw Taddese ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Taliyayaashan ayaa waxaa Garoonka Jigjiga kusoo dhaweeyay Hogamiyayaasha u sareeysa Dowlad Degaanka Soomaalida oo uu kamid yahay Hogaamiye Mustafe Cagjar, Hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur iyo Masuuliyiin kale oo kamid ah xukuumadda Degaanka Soomaalida.

- Advertisement -

Sida lagu sheegay Warbaahinta Ciidamada Itoobiya Taliyayaashan ayaa imaanshiyahooda Jigjiga lagu sheegay inay tahay si ay uga qaybgalaan Xuska 47aad ee Aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay Jigjiga lagu qabanayo.

Burhanu Julla Taliyaha Guud ee Askarta Itoobiya ayaa sidoo kale xadhigga ka jaraya Xarunta Tababarada Taliska Askarta Bariga Itoobiya oo laga furayo Xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

Imaanshiyaha Taliyayaasha u sareeya Ciidamada Itoobiya ee JIgjiga iyo waliba xuska Ciidamada Itoobiya ee Jigjiga lagu qabanayo ayaa kusoo aadaya xilli ay kacsan tahay Xiisadda u dhaxaysa

Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo dhawaana ay Hogamiyayaasha u sarreysa Dowlad Degaanka Soomaalida ay sheegeen inay marwalba garab taagan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Xerada Tababarada Ciidamada ee Garabcase oo ku taal duleedka magaalada Jigjiga ayuu ka socdaa Xusku, iyadoo la sheegay in xuskani uu socon doono ilaa 7 bishan oo ku beegan Sabtida soo socota.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes