Dastuurka Soomaaliya ee 2012 wuxuu ballanqaaday in si tartiib tartiib ah loogu gudbo dimuqraadiyad federaal ah, taas oo muwaadiniintu ugu dambayn si toos ah u dooran doonaan wakiilladooda. Nidaamkan waxaa loogu talagalay in Soomaalidu helaan fursad ay ku gutaan xuquuqdooda siyaasadeed iyada oo loo marayo doorashooyin afartii sannaba mar la qabto.
Hase yeeshee, 14 sano kaddib, dalku weli wuxuu ku dhex xayiran yahay wareegga doorashooyinka dadban.
Codeynta dadban markii hore waxaa loo hirgeliyey xal ku-meel-gaar ah. Balse, waxay si isdaba joog ah u noqotay caadada siyaasadeed ee Soomaaliya. Muwaadiniinta—oo ay tahay inay saldhig u noqdaan sharciyadda siyaasadeed—ayaa marar badan laga reebay go’aannada lagu go’aamiyo hoggaanka dalka.
Marka awoodda doorashada gacanta loo geliyo koox yar oo ergooyin ah, saamaynta siyaasadeed ee shacabka ballaaran si lama huraan ah ayay u daciiftaa. Hannaannadan ayaa sidoo kale sii xoojiya walaaca laga qabo doorka lacagta, laaluushka iyo danaha gaarka ah ee go’aamiya natiijooyinka doorashooyinka.
Haddaba, arrinta udub-dhexaadka ahi waxay ka baxsan tahay habraaca codeynta. Waxay ku saabsan tahay cidda adeegsata awoodda siyaasadeed iyo cidda ugu dambayn lagula xisaabtamayo shacabka.
Hoggaamiye lagu soo xulo hannaan ka reebaya inta badan muwaadiniinta waxaa laga yaabaa inuusan haysan mandate toos ah oo shacabka ka yimid. Jawigaas, kooxaha abaabulan iyo danaha ciriiriga ah waxay yeelan karaan saamayn aan isu dheellitirnayn, halka Soomaalida caadiga ahi ay daawanayaan dhinacyada.
Khilaafaadka ku saabsan jadwalka doorashooyinka ayaa keenaya caqabad kale oo la wada yaqaan. Marka muddo-xileed kasta uu gabagabo ku dhowaado, Soomaaliya mar kale waxay ka dooddaa cidda qabanaysa doorashada, nidaamka doorasho ee la adeegsanayo iyo cidda kormeeraysa geeddi-socodka. Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Federaalka labaduba waxay masuuliyad ka saaran tahay inay gacan ka geystaan joojinta wareeggan soo noqnoqda.
Haddaba, sidee ayay Soomaaliya uga gudbi kartaa?
Xalku ma noqon karo heshiis siyaasadeed oo kale oo muddo gaaban ah, kaas oo la gaaro mar kasta oo waqtiga kama dambaysta ah ee doorashadu soo dhowaado. Soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo waara, kaas oo hore u qeexaya xeerarka: goorta doorashooyinka la qabanayo, cidda maamulaysa, cidda xaqa u leh inay codeyso, sida codadka loo tirinayo iyo waxa dhacaya marka uu dhammaado muddo-xileedka masuul.
Muwaadinka waa in la dhigaa udub-dhexaadka nidaamka doorasho ee Soomaaliya.
Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waa inay aqoonsadaan in awooddoodu aysan ugu dambayn ka imanayn wareeg yar oo ergooyin ah, balse ay ka imanayso shacabka ay u adeegaan. Muwaadiniintuna waa inay awoodaan inay doortaan hoggaamiyeyaashooda, xilka ka qaadaan marka loo baahdo, kana dalbaan isla-xisaabtan.
Haddii Soomaaliya rabto inay dhisto dowlad si dhab ah u leh shacabkeeda, waa inay hirgelisaa nidaam doorasho oo muwaadiniinta siinaya cod macno leh oo ay ku go’aamiyaan cidda hoggaaminaysa.
Afar iyo toban sano oo doorashooyin dadban ah waxay bixiyeen digniin cad: inta muwaadiniintu ka maqan yihiin geeddi-socodka doorashada, siyaasadda Soomaaliya waxay sii ahaan doontaa mid ku wareegta wadaxaajoodyada madaxda iyo heshiisyada awood-qaybsiga.
Mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu ku xiran yahay nidaam doorasho oo muwaadiniinta ku soo celinaya kaalintii ay mabaadi’da dimuqraadiyaddu iyo aragtida dastuuriga ah ee dalku u asteeyeen: xarunta go’aan-qaadashada siyaasadeed.
[email protected]