Odayaal dhaqameed Jowhar u tagay soo xulista Xildhibaanada 2

Odayaal dhaqameed maanta gaaray magaaladda Jowhar ee Xurunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa maanta oo Axada gaaray qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Soomaaliyeed iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Oday dhaqameedyadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Oday dhaqameedyada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah Imaam Maxamed Yuusuf,Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow,Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi,Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo qaar kale.

Ujeedka oday dhaqamedyada ay maanta u yimaadeen magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka ee dowlad-goboleedka Hirshabelle.

Mudada xil haynta Dowlad goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qabto doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Magaaladda Jowhar waxaa ka socda ololaha doorashada Xildhibaanadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle,inkastoo siyaasiyiinta qaarkood ka biyadiideen howlaha ka socda magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More