Skip to content
Monday, September 14, 2026 1 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 25°C
Breaking: Mucaaradka Soomaaliya oo ka hadlay cidda dowladda ridaysa iyo dhisaysa dalka
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Mucaaradka Soomaaliya oo ka hadlay cidda dowladda ridaysa iyo dhisaysa dalka

Follow
Newsroom published Updated 42 minutes ago 3-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~3 min audio
Mucaaradka Soomaaliya: Cidda dowladda ridaysa, yaase dalka dhisaya?

Siyaasadda Soomaaliya waxay mar kale ku wareegaysaa su’aashii soo noqnoqotay: yaa talada haya, yaase doonaya inuu xukunka ka beddelo? Hase yeeshee, su’aasha ugu muhiimsan ee maanta mucaaradka la hor dhigi karo ayaa ka culus taas: haddii aad dowladda riddaan, maxaad ku beddelaysaan?

Mucaaradka Soomaaliya wuxuu isu bixiyay “Samatabixinta” iyo “Mustaqbalka.” Magacyadu way soo jiidasho leeyihiin, balse siyaasadda laguma qiimeeyo magaca ay kooxdu sidato. Waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay ku heshiinayaan, hoggaanka ay ku mideysan yihiin iyo qorshaha ay shacabka u soo bandhigayaan.

- Advertisement -

“Samatabixinta” iyo “Mustaqbalka” labaduba waxay sheeganayaan inay yihiin xoogag siyaasadeed oo doonaya inay saameeyaan jihada dalka. Hase yeeshee, kala duwanaanshaha ka dhex muuqda ayaa muujinaya in mucaaradku weli ka maqan yahay waxa ugu muhiimsan ee uu u baahan yahay: heshiis siyaasadeed oo dhab ah.

Garabka “Samatabixinta,” oo ay ka dhex muuqdaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, weli ma muujinayo mowqif mideysan oo ku filan in loogu yeero hal hoggaan. Sidoo kale, “Mustaqbalka,” oo ay ka mid yihiin Saciid Cabdullahi Deni iyo Ahmed Maxamed Islaam, ma laha hoggaan si cad loogu wada dhan yahay.

Halkaas ayay caqabadda ugu weyn ka soo baxaysaa.

Haddii mucaaradku ku mideysan yahay oo keliya hal-ku-dhegga ah “aan dowladda ka soo horjeesanno,” taasi ma noqon karto barnaamij siyaasadeed. Waa falcelin keliya. Haddii hoggaamiye kasta uu wato xisaabtiisa, dantiisa iyo jihadiisa, magaca isbahaysigu wuxuu ka weynaanayaa xaqiiqada dhabta ah.

Waxaa la joogaa xilligii mucaaradka Soomaaliya laga filayay inuu isaguna ka jawaabo su’aalaha shacabka, halkii uu mar kasta dowladda ka sugi lahaa jawaabaha.

Yaa hoggaaminaya?

Maxay yihiin qodobada la isku waafaqsan yahay?

Maxaa dalka laga qabanayaa haddii awoodda la helo?

Sidee loo xallinayaa khilaafka federaalka?

Sidee loo dhisayaa hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin?

Maxaa qorshe ah oo loo hayaa amniga iyo dhaqaalaha?

Haddii su’aalahan aan loo hayn jawaabo cad, mucaaradku wuxuu halis ugu jiraa inuu noqdo “ila meereyso” — koox siyaasadeed oo awooddeedu ku kooban tahay diidmada waxa jira, balse aan shacabka u sheegin waxa ay dhisi doonto.

Mucaarad dhab ahi dowladda wuxuu ku qasbaa inay xisaabtan bixiso, isla markaana shacabka tusaa inuu isaguna diyaar u yahay in lala xisaabtamo. Taasi waxay u baahan tahay hoggaan la aqoonsan yahay, xeerar gudaha ah, barnaamij siyaasadeed iyo qorshe cad oo dalka lagu maamulayo.

Dowlad la rido oo keliya dalka laguma dhiso.

Soomaaliya uma baahna koox siyaasadeed oo ku guuleysata inay hal koox kursiga ka tuurto, dabadeedna dib loogu laabto isla khilaafkii, isla shakigii iyo isla nidaamkii awood-qaybsiga.

Waxay u baahan tahay mucaarad awood u leh inuu yiraahdo: “Dowladdan waan beddelaynaa, laakiin tan ayaa ah dowladdii aan idiin dhiseyno.”

Halkaas ayay ku kala duwan yihiin mucaaradka doonaya xukunka iyo mucaaradka doonaya isbeddelka.

Ugu dambeyn, su’aasha ugu weyn ee hortaalla mucaaradka Soomaaliya ma aha “Sidee dowladda loo ridaa?” ee waa:

“Haddii nala doorto, Soomaaliya maxaan ka dhigaynaa?”

Haddii jawaabtaas la waayo, “Samatabixinta” iyo “Mustaqbalka” waxay ahaanayaan magacyo siyaasadeed oo keliya; mucaaradkuna wuxuu sii ahaanayaa safaf kala socda jihooyin kala duwan.

Ciddii dowladda ridaysa way badan tahay; cidda dalka dhisaysa ayaa la raadinayaa.

_________________________

[email protected]

How do you rate this story?

0 votes