Muqdisho (AX) – Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee National Union of Somali Journalists (NUSOJ) ayaa soo gabagabeeyay labo tababar oo lagu dhisayay aqoonta xirfadeed ee suxufiyiinta, kuwaas oo ka qabsoomay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, diiraddana lagu saaray anshaxa saxaafadda, sinnaanta jinsiga iyo amniga dhanka internetka.
Siminaarradan oo qabsoomay intii u dhaxaysay 25 ilaa 29-kii Oktoobar, waxaa taageeray barnaamijka qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta ee United Nations Development Programme (UNDP) oo u soo marsiiyay Mashruuca Bilan Project, iyadoo maalgellinta ay bixisay Midowga Yurub (European Union – EU). Ujeeddada ugu weyn ayaa ahayd in sare loo qaado hoggaanka dumarka, badqabkooda iyo ka qaybgalkooda siman ee qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliya.
- Advertisement -
Guud ahaan waxaa tababarrada ka faa’iidaystay 69 saxafi oo isugu jiray 35 dumar ah iyo 34 rag ah, taasoo ka badatay tiradii horey loo qorsheeyay oo ahayd 60 xubnood.
Kalkii tababarka ee Gaalkacyo oo qabsoomay 25 ilaa 26-kii Oktoobar, waxaa ka qaybgalay 35 suxufi oo ka koobnaa 18 haween ah iyo 17 rag ah. Weriyayaashan ayaa ka kala yimid Puntland iyo Galmudug, gaar ahaan degmooyinka iyo magaalooyinka Garoowe, Qardho, Gaalkacyo, Cadaado, Caabudwaaq, Guriceel iyo Dhuusamarreeb. Madashu waxay xirfadlayaasha labada maamul u noqotay goob ay isku dhaafsadaan waayo-aragnimada, kaga wada hadlaan caqabadaha haysta, iskuna xiraan xirfad ahaan. Dhanka kale, tababarkii ka dhacay Muqdisho 28 ilaa 29-kii Oktoobar waxaa ka qaybgalay 34 qof, oo 16 ka mid ahi ahaayeen dumar halka 18-na ay ahaayeen rag.
“Weriyayaashu waxay bulshada ugu adeegi karaan sida ugu wanaagsan marka ay ku shaqeeyaan jawi ammaan ah, dhowraan anshaxa saxaafadda, lana siiyo xuquuq caddaalad ah. Barnaamijyadani waxay kor u qaadeen xirfaddooda dhabta ah, waxayna saxafiyiinta shaqaynaya siiyeen gole nabdoon oo ay kaga doodi karaan takoorka, khataraha dhanka internetka iyo caqabadaha hortaagan haweenka warbaahinta ku jira. Waxaan doonaynaa in doodahani ay dhalaan xarumo warbaahineed oo xushmad leh, halkaas oo ragga iyo dumarku ay si siman wax ugu dari karaan, uguna shaqayn karaan sharaf iyo badqab,” ayay tiri Nima Hassan Abdi oo ah xoghayaha abaabulka ee NUSOJ.
Ka qaybgalayaasha ayaa si faahfaahsan uga dooday sida tebinta anshaxa leh ee tixgelinaysa jinsiga ay u xoojin karto kalsoonida shacabka, una tayayn karto tebinta arrimaha haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray hubinta xaqiiqada, dheellitirka wararka iyo ka fogaanshaha hadallada kicin kara colaadaha. Waxaa kale oo doodaha qayb ka ahaa doorka qolalka wararka ee ilaalinta halbeegyada shaqada, qaadashada mas’uuliyadda badqabka shaqaalaha iyo xallinta tabashooyinka anshaxeed.
Xaaladaha goobaha shaqada ayaa noqday arrin kale oo si weyn looga dooday. Waxaa si gaar ah loo lafo-guray tacaddiyada, takooridda, fursadaha siman ee tababarrada iyo baahida loo qabo hannaan cad oo lagu soo sheego laguna maareeyo dhibaatooyinka dhaca. Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhimadda ay leeyihiin heshiisyada qoran, bixinta mushaharka waqtigiisa, fasaxyada umusha iyo xanuunka, farqiga lacag-bixinta ee ku saleysan jinsiga, waqtiyada naas-nuujinta iyo ilaalinta caafimaadka goobta shaqada.
Qaybta amniga internetka ayaa lagaga hadlay dhibaatooyinka ay ka midka yihiin cagajugleynta dhanka baraha bulshada, hanjabaadaha iyo adeegsiga khaldan ee waxyaabaha dhijitaalka ah, gaar ahaan sawirrada anshax-xumada ah ee lagu farsameeyo garaadka macmalka ah (AI). Weriyayaasha ayaa dersay qaababka ay u ilaalin karaan naftooda, xogtooda iyo xog-bixiyayaashooda, iyagoo hay’adaha warbaahinta ugu baaqay inay tallaabooyin adag ka qaadaan dhibaatooyinka dhanka internetka ee suxufiyiinta soo wajaha.
Soo bandhigidda casharrada, tusaalooyinka dhabta ah, hawlaha kooxeedka iyo doodaha miiska wareegsan ayaa u fududeeyay ka qaybgalayaasha inay dulucda tababarka ku cabbiraan duruufaha dhabta ah ee ay la kulmaan maalin kasta. Magaalada Gaalkacyo, waxaa tababarka si rasmi ah u furay guddoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiweli Jibril Beyle, isagoo bogaadiyay dadaalkan xirfadeed ee la hirgeliyay.
Tababarradani waxay xoojiyeen xiriirka iyo is-dhaafsiga aqoonta ee suxufiyiinta ka kala yimid goobo iyo xarumo warbaahineed oo kala duwan. Tallaabadan ayaa qayb weyn ka ah dadaallada ballaaran ee NUSOJ ku horumarinayso xaaladaha shaqada, korna ugu qaadayso hoggaaminta haweenka suxufiyiinta ah, badqabkooda iyo inay si siman uga dhex muuqdaan saxaafadda Soomaaliya.