GAALKACYO, Soomaaliya — Madaxweynaha Puntland State, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, isagoo ka digay in mowqifyada iyo go’aannada siyaasadeed ee sida joogtada ah isu beddelaya ay dalka u horseedayaan marxalad aad u cakiran.
Deni ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad Arbacadii lagu dhagax-dhigayay mashruuca ballaarinta garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu si faahfaahsan ugaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka daba-dheeraaday ee ka taagan geeddi-socodka doorashooyinka.
“Dalka Soomaaliya marxaladda uu marayo dhammaantiin waad aragtaan, waxaa socda duruufo culus oo maalinba weji yeelanaya, waana ayaandarro weyn in hoggaanka dalku uu caado ka dhigto in maalinba nooc noqdo,” ayuu yiri Deni, isaga oo dadweynaha Puntland State ugu baaqay inay masiirkooda iyo aayahooda ka tashadaan.
Madaxweynaha Puntland State waxa kale oo uu tilmaamay in xaaladda dalku ay marayso meel halis ah, isagoo Xasan Sheekh Maxamuud ku dhaliilay inuu hoggaaminta dalka ku wajahayo go’aanno is-diiddan oo aan sal fadhin. Waxa uu intaa ku daray in madaxda looga fadhiyo inay ka fogaadaan tallaabooyinka shacabka ku abuuraya jaahwareerka, isla markaana ay mudnaan siiyaan furdaaminta tabashooyinka siyaasadeed.
Dhinaca kale, Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland State ay mar kasta xushmaynayso heshiisyada ay la gashay dhinacyada Soomaalida iyo kuwa caalamiga ahba, isagoo xusay in xukuumaddiisu aysan marnaba jebin heshiisyadii ay saxiixeen madaxdii kaga horreysay xafiiska. Waxa uu caddeeyay in Puntland State ay tiir-dhexaad u tahay ilaalinta sharciga iyo adkaynta nidaamka dowladnimada.
“Waxaan mar walba dhowraynaa heshiisyada aan galnay, hadday ahaan lahaayeen Soomaali ama ajaaniib. Puntland State waxay jirtay 28 sano, welina ma dhicin madaxweyne buriyay heshiis uu saxiixay kii ka horreeyay. Xitaa haddii ay cabasho jirto, dib baa loo fariisanayaa oo loo wada eegayaa; sharciga ayaan dhawreynaa, dowladnimadana waan xoojineynaa,” ayuu yiri Deni.
Hadalka hoggaamiyaha Puntland State ayaa ku soo beegmay xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka, maamullada qaar iyo xubnaha mucaaradka, taas oo salka ku haysa qaabka loo maareynayo doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Khilaafkaas ayaa sii adkeeyay dedaalladii lagu doonayay in xal siyaasadeed oo wadar-ogol ah lagu gaaro.
AXADLETM