Isniin Agoosto 10, 2026
Hargeysa (AX) — Wasiirka Arrimaha Qurbajoogta ee Israa’iil, Amichai Chikli, ayaa ku baaqaya iskaashi dhow oo lala yeesho North Western State of Somalia, Giriigga, Qubrus iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka digay in heshiis cusub oo difaac oo u dhexeeya Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan uu dib u qaabayn karo isbeddellada amniga ee gobolka.
- Advertisement -
Warbaahinta caalamiga ah ee Clash Report ayaa sheegtay in Chikli uu heshiiska ku tilmaamay horumar walaac leh, isla markaana uu ku baaqay in Israa’iil ay xoojiso xiriirka ay la leedahay saaxiibbada uu u arko kuwo istiraatiiji ahaan muhiim ah.
“Isbahaysiga Maka waa horumar aad u khatar badan oo walaac leh,” ayuu yiri Chikli, sida ay werisay Clash Report.
Chikli wuxuu xusay in Sacuudiga uu horeyba u lahaa heshiis difaac oo uu la galay Pakistan. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xiriirka amni ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Riyaad iyo Ankara uu yahay arrin walaac leh, gaar ahaan iyadoo ay sii xumaanayaan xiriirka Turkiga iyo Israa’iil.
Wuxuu ka digay in iskaashi xooggan oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Turkiga uu yeelan karo saameyn ballaaran oo gobolka ah, kana gudbi karta Bariga Dhexe ilaa Badda Mediterranean-ka iyo Suuriya.
Iyadoo taas laga duulayo, Chikli wuxuu sheegay in Israa’iil ay tahay inay mudnaan weyn siiso ballaarinta xiriirradeeda ay la leedahay North Western State of Somalia, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta.
Hadalladiisa ayaa imanaya xilli iskaashiyada amniga ay sii isbeddelayaan guud ahaan Bariga Dhexe iyo gobollada u dhow. Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa dhowaan kala saxiixday Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, kaas oo ay ku jiraan ballanqaadyo difaac oo iskaashi ah oo u dhexeeya saddexda dal.
Heshiiskan ayaa soo jiitay dareen badan sababo la xiriira miisaanka istiraatiijiga ah ee dalalka saxiixay iyo xiisadaha isa soo taraya ee u dhexeeya Israa’iil iyo dhowr quwadood oo gobolka ah.