Browsing Tag

Ciidanka

Askarta dowladda oo goordhaw wareegay deegaanka Ruunirgood

Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood oo ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.Ciidamada ayaa kulaalayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.Ciidamada ayaa lasoo warinaya in haatan gudaha deegaankaas ay ka wadaan howlgalo miino baaris ah, maadama Al-shabaab goobaha laga saaro uga tagaan miinooyin."Askarta Xogga…

Askarta PSF oo ka jawaabay eedayntii taliyaha ciidanka booliiska Waqooyi Bari

Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Taliska ciidanka PSF ayaa iska fogeeyay eedayn uga timid taliyaha ciidanka Booliiska Putland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, kaasoo ku eedeeyay inay weerareen saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.Falkaas oo ka dhashay dhaawaca labo askari ayay PSF sheegtay inay  xireen askartii falkaas geystay.Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidanka PSF ayaa lagu sheegay in aysan bixin amarka falkii ka dhacay magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in xubno kamid ah ciidankooda oo laga xirtay dad qaraabadooda ah…

Muumin Cabdi Shire: Askarta PSF waxay beegsi joogto ah ku hayaan ciidanka booliiska Waqooyi Bari

 Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) - Taliyaha ciidanka Booliiska Waqooyi Bari Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa cabasho weyn ka muujiyay ciidanka PSF, isagoo ku eedeeyay inay beegsi joogto ah ku hayaan ciidanka booliiska.Taliyaha ciidanka Booliiska waxa uu sheegay in maanta barqaddii ciidanka PSF in ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.Weerarkaas ayuu tilmaamay inay ku dhaawacmeen labo askari oo Booliiska katirsan. Taliye Muumin wuxuu sheegay in ciidanka PSF ay xoog kula baxeen labo kamid ah askartooda…

Hogaamiyaha Hirshabeelle oo maanta wareejiyay dhul laga dhisayo xarunta ciidanka Danab

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Taliska qeybta 5-aad ee ciidanka Midowga Aftrika ee ATMIS ku leeyhiin magaalada Jowhar.Madexweyne Guudlaawe ayaa halkaas kulan kula qaatay wakiilo ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo wada qorshe ay magalaada Jowhar uga hirgalineyso xarun gaar ah oo ay leeyhiin ciidanka Mareykanka sida gaarka ah uu u tababaraan ee Danab.Kulanka kadib madaxweynaha Hirshabeelle ayaa wakiilada ka socday…

Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaanka Xaaji Cali lagu dilay Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Xaashi oo loo yaqiinay Juuqlaawe.Taliye Juuqlaawe ayaa ku geeriyooday dagaal beeleed saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Xaaji Cali oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Cadale, waxaana geeridiisa xaqiijisay Taliye ku xigeenka 2-aad ee Askarta Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal…

Koonfur Galbeed oo ka hortimid qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid qorshe ciidamada Itoobiya dalka looga saarayo dhammaadka sanadkan, sida uu horey u sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.Qoraal lagu daabacay barta X ee wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay, in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shakhsiyaad marin habaabin ku haya shaqada ciidamada Itoobiya ay ka hayaan degaanada maamulkaas uu ka taliyo.“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan…

Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka Al-shabaab

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur ayaa sheegay in bishaan Juun ay soo afjari doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.Jeneraal Maadeey ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaaladii ay la galeen kooxda, isagoona goob fagaare ah ka balan qaaday in waqti kooban kusoo gabageynayaan dagaalka Al-shabaab.Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ayaa tlmaamay in dhamaan…

Askarta Booliiska oo gacanta kusoo dhigay dad ku eedeysan rabashado ka dhacay degmada Daarusalaam

Arbaco, May, 22, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ee ka howlgala degmada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa howlgalo ay ka saneeyeen gudaha degmadaas kusoo qabqabtay dad ku eedeysan iney rabshado ka geysteen degmada Daarusalaam.Ciidamada Booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay Ilaa 15 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku eedeysan iney soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado watay oo khasaare sababay.War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in…

Shirka Golaha Wadatashiga oo warbixin looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda maalintii sadaxaad oo xiriir ah xarunta Aqalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin waxaa looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.Afhayeenka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Taliska ciidanka xoogga dalka in madaxasha ku soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalada looga xureeyey kooxda Al-shabaab deegaano badan oo…

Meydka nin horey u ahaan jiray Askarta Liyuu Boolis oo laga helay magaalada Jigjiga

Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada laga helay meydka nin lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi kaas oo galinkii hore ee maanta isagoo gawracan laga helay xaafadda 16aad ee magaalada Jigjiga.Lama ogaan wali cidda sida arxan darrada ah u dishay ninkan, balse Askarta Booliska magaalada Jigjiga oo soo gaaray goobta lagu arkay meydka marxuumkan ayaa sheegay in baadhis lagu samayn doono meydka, isla markaana natiijada baadhistaas iyo cidda…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More