Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka oo Maanta Aas Qaran loogu sameynayo Muqdisho

 
Sabti, Juun, 29, 2024 (AX) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyo Allah u naxariistee guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa  magacaabay guddiga Aaska Qaran ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddigaan oo ka kooban 12 xubnood oo ah dhamaantood masuuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka ayaa ka shaqeynaya aaska Qaran ee marxuumka loo sameynayo, waxaana guddiga guddoomiye looga dhigay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Marxuum Jawaari ayaa Shalay galinkii dambe ku geeriyooday hoyga uu ka dagana magaalada Muqdisho, waxaana lagu wada sida qorshuhu yahay in Salaada Janaasada lagula Tukado Masjidka Isbaheysiga Islaamka.
Salaada Janaasada ee Marxuumka lagula Tukan doono ayaa waxaa ka qeyb galaya  madaxda ugu sareysa dalka, masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dowladda, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada.
Alle ha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sanadkii 1945, ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose, wuxuuna mudo laba jeer ah soo noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, islamarkaana sidoo kale horay usoo qabtay xilal kala duwan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More