Xukumadda Soomaaliya oo dib u dhigtay dhaqan galka mamnuucista bacaha

 
Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) – Xukumadda Soomaaliya ayaa saddex bilood dib u dhigtay dhaqan galka go’aanka lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha, kaddib markii ay sheegtay inay tixgalisay codsi uga yimid ganacsatada Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in go’aanka mamnuucista bacaha laga dhigay bisha September 2024.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ganacsatada bacuhu ay ku jiraan heshiisyo ganacsi, taasoo ay sheegtay in ay suurto galin weyday in go’aanka lagu dhaqan galiyay waqtigii loogu talo galay.
Waxay sheegtay wasaaradda degaanka, marka la gaaro kowda bisha October in dowladdu mamnuuci doonto ka ganacsiga iyo soo dajinta bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More