Xukumadda Jabuuti oo beenisay in ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Gobaladda Waqooyi

 
Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) – Xukumadda Jabuuti ayaa eedayn aan raadlahayn ku tilmaantay hadalkii uu Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi ku sheegay in Jabuuti ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Gobaladda Waqooyi.
Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa qoraal kuu ku baahiyay bartiisa X hadalka Hogaamiye Biixi ku tilmaamay mid aan raadlahayn.
“Waxan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Gobaladda Waqooyi, Jabuuti waa goob u taagan wadajirka iyo is dhexgalka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno” ayuu yidhi Ilyaas Muuse Dawaale.
Waxa uu sheegay in Jabuuti ay waligeed ahaan doonto meel gobolka isku haysa oo aan kala qaybin, isla markaana anay waligood dhexgali doonin arrimaha guddaha ee jaarkooda.
“Sida darteed fadlad Jabuuti ha dhexgalinina siyaasadihiina guddaha ama ajendayaashiina, xasuuso shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Gobaladda Waqooyi gacan ka siinay dagaalkii gobolka SSC” ayuu yidhi.
Marka laga yimaado diidmada Dawaale, madaxda dhaqdhaqaaqa Awdal State ayaa ku sugan caasimada Jabuuti, iyaga oo hanjabaado usoo diraya Gobaladda Waqooyi, isla markaana xaflad ayay ku qabsadeen Jabuuti xalay.
Xidhiidhka Gobaladda Waqooyi iyo Jabuuti ayaa xumaaday kadib markii ay Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya wadagaaleen heshiis dhinaca badda ah, iyada oo ay Jabuuti heshiiskaas u aragtay khatar dhaqaale.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More