Qaar ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho oo Saakay xiran

 
Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) – Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kadib hab maamuus aan horay loo arag oo ay ku xuseysa dowladda Soomaaliya munaasanada 1-da Luulyo oo ah markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobolada Waqooyi ee haatan la baxay Gobaladda Waqooyi.
Ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira Nabadsugid iyo Koofi Casta Aqalka ayaa xirtay wadooyinka gala kana baxa Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.
Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa loo diidaya iney maraan wadooyinka gala Taalada Daljirka Dahsoon iyo agagaarkeeda, si ciidamada  u xaqiijiyaan amaanka Daljirka Dahsoon oo ay ka socoto qaban qaabada dabaal deg ku aadan maalintan ku beegan markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga.
Wadooynka xiran ayaa kaliya waxaa loo ogol yahay dadka lugeyna, waxaana xusid mudan in wadooyinka qaarkood lagu arkayo ciidamada dowladda oo sameynaya dhoolatus la xariira dabaal dega maalintaan qiimaha badan oo munaasabado lagu xusayo Xalay ka kala dhaceen inta badan magaalooyinka gobolada dalka.
Hogaamiye Xasan Sheekh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la filaya in maanta ay tagi doonaan Taalada Daljjrka Dahsoon si ay halkaas kula dabaal degaan shacabka Soomaaliyeed oo sanadahii hore kaligood ku dabaaldagi jiray Taalada Daljirka Dahsoon.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More