Xukumadda Soomaaliya oo riyo maalmeed ku tilmaamtay hadalo kasoo yeeray Wasiiro ka tirsan Itoobiya

 
Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalo mudooyinkii dambe kasoo yeerayay wasiiro ka tirsan dowladda Itoobiya.
Hadallada kasoo yeerayay Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa la xariiray heshiiskii Itoobiya ay la gashay Gobaladda Waqooyi, kuwaas oo marar badan ku celceliyay in Itoobiya ay ku saxan tahay heshiiskii ay la gashay Gobaladda Waqooyi.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku sheegay hadallada kasoo yeerayay wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya iney yihiin ku marin habaabin iyo riyo maalmeed ah oo ay u soo dhiibtay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin, islamarkaana aan waxba u dhimeyn dowladda Soomaaliya.
”Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethopia waa riyo maalmeed. Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan dowladda Soomaalya si adag uga hadashay heshiiskii bilowgii sanadkaan ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Gobaladda Waqooyi ee la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya, taas badal keedana Itoobiya ay Soomaaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.
Si kastaba ha ahaatee heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi ayaa wali fulin, waxayna labada dhinac mid kasta rajo weyn uu ka qabaa in heshiiskaasi uu hirgalo, halka dowladda Soomaaliyana ay dhankeeda si weyn uga soo horjeedo in uu hirgalo heshiis ku sheegaas.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More