Browsing Tag

beeleed

Waqooyi Bari iyo Galmudug oo sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta dagaal beeleed ka socda bariga gobolka Mudug

 Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada…

Dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Qoryooleey

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo deegaano hoostaaga.Beelaha dirirtu maanta ku dhexmartay Qoryooley oo kala Garre iyo Jiide ayaa colaada u dhaxeysa waxay ka bilaabayay dilal ku saleysan aanooyin…

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud oo sababay dhimashada in ka badan 50 ruux

Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleed saacado badan qaatay oo Shalay ka dhacay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xareele ee gobolka Galgaduud.Khasaaraha la xaqiijiyay ee dagaal beeleedkaas uu geystay ayaa ah dhimashada in ka badan 50 ruux iyo dhaawac kor u dhaafaya 60 ruux, kuwaas oo isugu jira maleeshiyo beeleedka dirirtu u dhexmartay iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Galmudug oo ku howlana joojinta dagaalka.Dad qaba…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka socda gobolka Galgaduud

Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.Dagaalkaan ka socda deegaanka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale, kaasoo geystay khasaare kala duwan.Inta la xaqiijiyay dagaalkaan oo bilawday Salaadi subax kadib waxaa ku geeriyooday ilaa sideed ruux oo laba dhinac ah…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo Maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka…

Maleeshiyo beeleed hubeysan oo Shabeellaha dhexe ku weeraray ciidamo ka tirsan Danab

 Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Danab oo sida la sheegay ka ambabaxay magaalada Jowhar, islamarkaana kusii jeeday gobolka Hiiraan.Ciidamada Danab iyo maleeshiyaadka weerarka dhabagalka ah ku qaaday ayaa waxaa dhexmaray dagaal mudo kooban socday oo sida…

Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku geeriyooday, in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay degaan katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud. Maleyshiyaadka dagaalamaya oo kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Xeraale, ayay dirir xooggani ku dhexmartay degaanada miyiga ah ee waqooyiga Galgaduud, waxayna dirirtooda salka ku haysaa aano qabiil iyo muran la xiriira dhinaca deegaanka. Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa kala dhex galay labada maleyshiyo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More