Itoobiya oo sheegtay in ay Gobaladda Waqooyi aqoonsanayso

 
Axad, Juun, 16, 2024 (AX) – Wasiiru-duulaha Hawlaha Guud ee Itoobiya Tarekegn Bulbulta ayaa sheegay in Itoobiya ay aqoonsandoonto Gobaladda Waqooyi.
Bulbulta waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in Itoobiya ay Gobaladda Waqooyi aqoonsan doonto “Waxaan kalsooni ku qabaa in Itoobiya ay noqonayso waddanka ugu horeeya ee Gobaladda Waqooyi u aqoonsada waddan madaxbannaan” ayuu ku sheegay bartiisa X.
Bulbulta waxa uu sheegay in kadib marka la gaadho heshiis rasmi ah ay Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya noqon doonaan xulufo dhaqaale iyo millateri.
Sannadkan horaantiisii ayay Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya yeesheen isfahan ku salaysan in Itoobiya ay saldhig millateri ku yeelato biyaha Gobaladda Waqooyi isla markaana ay Gobaladda Waqooyi u aqoonsato waddan madaxbannaan.
Isfahankan oo la rajaynayo in heshiis rasmiya loo badalo dhawaan, ayaa waxa si wayn uga soo horjeedsatay dowlada Soomaaliya, sidookale urur dowladeedyada gobolka ayaa cambaareeyay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More