Browsing Tag

geystay

Askarta Asluubta oo soo afjaray weerarkii Xabsiga dhexe, soona bandhigay Meydadka ragii weerarka geystay

 Sabti, Luulyo, 13, 2024 (AX) - Askarta Asluubta Soomaaliya ayaa goordhaw soo gabagabeeyay weerar ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay geysteen koox ka tirsan Al-shabaab oo ka mid aheyd maxaabiista ku xiran Xabsiga.Weerarka ayaa yimid kadib markii xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku xirnaa Xabsiga ay helen hub aan wali la shaacin sida ay ku heleen ragaan ka tirsan Shabaab oo ku xukuna qaarkood dil toogasho ah.War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka lasoo afjaray, lana dilay 5…

Wafdi ka socda Jubbaland oo degmada Luuq u tagay xal u helista dagaal beeleed khasaare badan geystay

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (AX) - Wafdigaan oo uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Luuq ee gobolka Gedo oo maalmahii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaal beeleed khasaare geystay.Wafdiga madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Luuq si weyn ugu dhaweyay maamulka degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.Ujeedka wafdigaan u tageen magaalada Luuq ayaa ah ka shaqeynta…

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta markale ka dhacay degmada Luuq

 Axad, Luulyo, 7, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed maanta markale ka dhacay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.Dagaalka maanta ka dhacay Luuq ayaa ah mid daba socda dagaal labadii maalmood ee lasoo dhaafay halkaas ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labadaan maleeshiyo beeleed, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac…

Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 Axad, Juun, 30, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa amaanka.Qaraxaan miino oo ahaa nooca wadada dhinaceeda la dhigo ayaa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada Boliisa Militaare, waxaana la xaqijjiyay in qaraxaasi uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidanka oo magaciisa lagu sheegay Abshir shaafici.Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo qaraxa kadib goobta gaaray ayaa halkaasi ka sameeyay…

Dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Qoryooleey

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo deegaano hoostaaga.Beelaha dirirtu maanta ku dhexmartay Qoryooley oo kala Garre iyo Jiide ayaa colaada u dhaxeysa waxay ka bilaabayay dilal ku saleysan aanooyin…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka socda gobolka Galgaduud

Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.Dagaalkaan ka socda deegaanka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale, kaasoo geystay khasaare kala duwan.Inta la xaqiijiyay dagaalkaan oo bilawday Salaadi subax kadib waxaa ku geeriyooday ilaa sideed ruux oo laba dhinac ah…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo Maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka…

Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku socdaalayay duuleedka magaalada Gaarisa.Weerarka dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaas Al-shabaab iyo ciidamada Booliiska dalka Kenya ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira…

Faahfaahino kasoo baxaya dil maanta Muqdisho loogu geystay Gabar Ardayad aheyd

Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta gudaha magaalada Muqdisho askar ka tirsan ciidamada dowladda ay ugu geysteen gabar Ardayad aheyd.Dilka gabadha Ardayada aheyd ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Warshada Caanaha, kadib markii gabadha oo saarneyd gaari BL aha ay haleeshay rasaas ay fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaas ku sugneyd.Gabadha dhimatay ayaa lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey, taaso dhiganeysay Jaamacada Muqdisho kuliyadeeda Caafimaadka. Qoyska…

Amnesty oo sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo uu Turkiga ka geystay Soomaaliya

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Amnesty International ayaa sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay labo weerar oo ka dhacay Soomaaliya oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2 oo ay samaysay shirkadda Turkiga ee Baykar, taasoo ay sheegtay in laga yaabo inay noqoto dambiyo dagaal.Amnesty waxay sheegtay in weerarradaas oo dhacay 18 March 2024, lala beegsaday dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween, kuwaas oo ka soo jeeda qabiilka Gorgaarte ee la hayb sooco.Dadka deegaanka ayaa Amnesty u sheegay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More