RASMI: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Portugal Oo Korona Fayras
Daafaca midig ee kooxda Manchester City ee Joao Cancelo ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska xiddigaha xulka Portugal u metelaya tartanka EURO 2020 iyadoo bedelkiisa loo qaatay Diogo Dalot oo Manchester United ka tirsan.
Portugal ayaa kulankoodii ugu horreeyay ee tartanka Salaasada la ciyaari doona dhigooda Hungary, kahor kulankaas ayaa lagu qasbay inay meesha ka saaraan 27 sano jirkaas kaddib baadhitaano lagu sameeyay.
Diogo Dalot oo asal ahaan ka tirsan Man United balse xilli ciyaareedkii hore qaab amaah ah ugu…