Toddoba Ciyaartoy Oo Fashilmay, Xiddigii Garoonka & Qiimaynta Kulankii
Gool uu qaybtii dambe dhaliyey Raheem Sterling ayaa England u horseeday guul ay ku bilaabatay tartanka qaramada Yurub ee sannadkan, kulan uu tababare Gareth Southgate sameeyey isbeddello badan oo aan qaarkood saadaashaba lagu sii darin.Difaacyada dhexe ayay kusoo bilowdeen Stones iyo Mings maadaama aanu wali taam ahayn Harry Maguire, laakiin boosaska isbeddelka aan xisaabtaba lagu darsan uu ka sameeyey tababaruhu ayaa ahaa difaaca bidix oo uu ka ciyaaray Kierran Trippier iyadoo uu kaydka ku jiro Luke Shaw, isla markaana…