RASMI: Xiddig Faransiis Ah Oo Laba Dhaawac Oo Kala Duwan Isku-raaceen,

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa lagu wargeliyey in aanu inta ka hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 aanu dib u heli doonin weeraryahanka Ousmane Dembele oo xaaladdiisu kasii cuslaatay sidii aanu wararkii hordhaca ahaa ee  saaka idiinku sheegnay.

Laacibkan ayaa ciyaaray 30 daqiiqadood oo kaliya kulankii Hungary ee Sabtidii oo uu beddel kusoo galay, waxaana mar kale dib loo saaray oo la beddelay ciyaarta oo socota.

Didier Deschamps ayaa hore u sheegay in dhaawaca Dembele uu yahay jilibka, laakiin xaqiiqada lagu ogaaday baadhitaankii dhakhaatiirta ee sawirru soo bandhigeen ayaa kasii halis badan sidii markii hore la moodayay.

Ousmane Dembele ayaa waxa dhaawaca jilibka u raacay mid kale oo muruqa ah, kaas oo isaguna sii xumaynaya xaaladdiisa iyadoo dhaawacn dambe uu u jiifi doono muddo laba bilood ah sida wararka hordhaca ahi sheegayaan.

Jilibka ayaa la filayay inuu muddo usbuuc ama laba toddobaad ah kaga soo kabto, hase yeeshee waxa gebi ahaanba rajadiisa soo afjaray dhaawac muruqa ah oo uga sii daray xaaladda.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps oo hadlay ayaa markii uu ka hadlayay dhaawaca Dembele waxa uu sheegay in carjowda jilibka uu wax ka noqday, laguna samayn doono baadhitaannada daruuriga ah, laakiin waxa kale oo uu raaciyey in sidoo kale uu laacibkani dareemayay xanuun muruqa ah, sidaasna uu ku beddelay.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska, ayaa waxa lagu yidhi: “Axaddii waxa wada-hadlay dhakhgaatiirta xulka France iyo Barcelona, kaddib wada-hadalka, ciyaartoyga iyo Dr Franck Le Gall, Didier Deschamps ayaa qaatay go’aanka ah in Ousmane Dembele laga saaro liiska xulka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More