Xiddiga Chelsea Ee Billy Gilmour Oo Laga Helay COVID-19 Ku Dhacay &

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo xulka qaranka Scotland, waxa uu ahaa laacibkii sameeyey farqiga kulankii ay la ciyaareen England oo uu qabsaday khadka dhexe, laakiin nasiib-darro ciyaarta ugu dambaysa Group-kan ayaanu qayb ka noqon doonin kaddib markii laga helay fayraska Korona.

Baadhitaan lagu sameeyey ciyaartoyda Scotland ayaa waxa uu muujiyey in Billy Gilmour uu jidhkiisa ku jiro Fayrasku, sidaana uu ku galayo karantiil muddo laba toddobaad ah, taas oo imanaysa xilli dalkiisa ay ku soo aaddan tahay ciyaar xaasaasi ah oo ay u baahnaayeen adeeggiisa ciyaareed.

Scotland ayaa la ballansan Croatia kulan ay tahay inay guuleystaan si ay ugu soo bixi karaan wareegga 16ka, hase yeeshee waxa wiiqantay fursaddii ay guul ku heli lahaayeen kaddib maqnaanshaha Gilmour.

Kulankan oo ka dhacaya Hampden Park, ayaa Croatia u baahan yihiin guul si la mid ah Scotland oo waddankooda lagu ciyaarayo, waxaanay taasi fursad u tahay Luka Modric iyo xiddigaha kale ee  Croatia oo khatartii Gilmour aan waajihi doonin.

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Scotland ayaan qaadanin tallaalka Fayraska, waxaanay ciyaartii England dheelayeen iyagoo isku dhan oo waliba sameeyey bandhig cajiib ah, waxaana xiddigii garoonka ee kualnkaas loo doortay Billy Gilmour.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda Scotland ayaa waxay ku sheegeen in baadhitaan lagu sameeyey ciyaartoyda xulka qaranka lagu ogaaday in xubin ka mid ah xiddigahooda oo ah Billy Gilmour uu hayo xanuunka Covid-19, isla markaana uu geli doono karantiil 10 maalmood ah, sidaasna uu kaga maqnaanayo ciyaarta ugu dambaysa Group D ee Croatia ay la ballansan yihiin Salaasada berri.

Dhinaca kale, waxa laga shakisan yahay taam ahaanshaha laba ciyaartoy oo xulka qaranka England ah oo salaan xabbadka ah geliyey Gilmour markii ay soo dhamaatay ciyaartii England iyo Scotland.

Labadan ciyaartoy ayaa kala ah Mason Mount iyo Ben Chilwell, waxaana la sugayaa natiijada baadhitaan fayraska ah oo dhamaan ciyaartoyda xulka qaranka England laga qaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More