Sidaa Ku Qaata ama Iska Illooba! Borussia Dortmund Oo Go’aankii U

Manchester United ayaa heshay jawaabtii ugu dambaysay ee laba dalab oo kala dambeeyey oo ay ka gudbisay xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ka tirsan Borussia Dortmund.

Red Devils ayaa si weyn u danaynaysa saxeexa 21 jirkan garabka weerarka ee xulka qaranka England kala qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub, waxaana dalab ay hore u gudbiyeen loo sheegay in aanu macquul ahayn, waxaana mid labaad oo ay kordhiyeen lacagta ay heleen jawaabtiisii, kaas oo ay Borussia Dortmund mar  kale warka ugu caddaysay.

Manchester United ayaa horraantii toddobaadkan waxay u gudbisay Borussia Dortmund dalab xambaarsanaa £75 milyan oo Gini, laakiin kooxda reer Germany ayaa fursaddii ugu dambaysay siisay Red Devils, waxaanay u sheegtay sida kaliya ee ay ku heli karayaan laacibkan.

Dortmund ayaa waxay ku wargelisay Manchester United inay la shir-timaaddo lacag gaadhaysa £77 milyan oo Gini oo lagu darayo lacago kale oo ku xidhan bandhigga iyo guulaha uu laacibkani ku gaadho Old Trafford.

Warka ayaa intaa ku daray, in kooxda reer Germany ay doonayso in mustaqbalka Jadon Sancho uu dhinac u dhaco ka hor inta aanay bilaabin u diyaar-garowga xilli ciyaareedka dambe, iyadoo ciyaartoydu ay tababarka kusoo laabanayaan.

United ayaa hore heshiis shaqsi ah oo shan sannadood ah ula gaadhay Jadon Sancho, waxaase u hadhsanayd Borussia Dortmund oo aan wali ku qancin dalabyadii Red Devils ula timid.

21 jirkan ayaa dhinaciisa degganaansho badan ku jira, kaliyana ka fikiraya sidii uu uga mid noqon lahaa shaxda koowaad ee xulka qaranka Egland ee kulamada Euro, iyadoo uu Gareth Southgate kulankii Jimcihii ku illoobay kaydka oo aanu xataa beddel ku keenin.

Jadon Sancho ayaa Borussia Dortmund ku biiray sannadkii 2017, iyadoo waqtigaas kasoo iibsatay Manchester City kana bixisay £8 milyan oo kaliya iyadoo ay da’diisu ahayd 17 jir.

137 kulan oo uu u saftay Dortmund ayuu u dhaliyey 50 gool, waxaanu raaciyey 64 gool oo kale oo uu caawiye ka noqday. Xilli ciyaareedkii u dambeeyey ee 2020-21 ayuu dhaliyey 16 gool iyo 20 gool oo kale oo uu caawiyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More