“Qolka Lebbiska Ayaanu Isku Argnaye Muxuu iila Hadli Waayey…” Kylian
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa warbaahinta kaga hadlay khilaafkii u dhexeeyey Olivier Giroud oo hore saxaafadda ugu sheegay in ciyaaryahannada weerarka ee xulku aanay kubadda siinin, taas oo si gaar ahna farta loogu fiiqay Mbappe.22 jirkan ayaa si weyn uga cadhooday hadalka Giroud, waxaana uu qirtay inuu saamayn dhab ah ku yeeshay, layaabna ay ku ahayd sababta uu Giroud warbaahinta ugaga hadlay arrintan isagoo qolka lebbiska cabashadiisa ku dhiiban karayay.Arrintan oo dhacday kulankii saaxiibtinimo ee…