Jamie Carragher Oo Soo Xushay Shaxda Xulka England Kula Ciyaari Doono

Jamie Carragher ayaa rumaysan in Harry Kane uu u baahan yahay inuu ka maqnaado kulanka ugu dambeeya xulka qaranka England heerka Group-yada ee tartanka Euro ee Salaasada ay la ciyaari doonaan Czech Republic.

England ayaa garoonka Wembley kuyla ciyaari doona Czech kulankooda ugu dambeeye hormada D, waxaanay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay kaalinta koowaad kagaga soo baxaan hormadooda oo ay uga badbaadaan inay waddan adag ku dhacaan wareegga 16ka.

Gareth Southgate ayuu xulkiisu haystaa afar dhibcood oo ay ka heleen Croatia oo ciyaartii koowaad ay ka badiyeen iyo Scotland oo ay barbarro la galeen, laakiin waxa sugaya Czech Republic oo iyaguna afar dhibcood haysta.

Harry Kane ayaa labdii kulan ee hore ee uu ciyaaray dhalliilo badan loo jeediyey iyadoo aanu la imanin qaab ciyaareedkii laga filayay, waxaanu Jamie Carragher rumaysan yahay in la gaadhay waqtigii la ciyaarsiin lahaa Dominic Calvert-Lewin ee uu kusoo bilaaban lahaa, si uu Kane u helo nasasho kulanka ugu dambeeya.

Waxa kale oo uu Jamie Carragher taageeray in kulankaas  lagu soo bilaabo Raheem Sterling iyo Mason Mount si ay dhexda ka ciyaaraan, si ay Calvert-Lewin u siiyaan fursad uu ka helo difaaca. Waxa kale oo uu soo jeediyey in Jack Grealish uu kusoo bilowdo, kaydkana la geliyo Phil Foden.

Qormo uu Jamie Carragher ku qoray wargeyska Telegraph ayuu ku yidhi: “Waxa la gaadhay waqtiii Jack Grealish. Waxaan u dhexeeyaa Phil Foden ama Mason Mount, laakiin waxa aan qaadanyaa Mount. Sterling waa inuu xajisto booskiisa.”

Khadka dhexe ayuu u doortay Rice oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay labadii kulan ee hore iyo Rice, taas oo ka dhigan inuu tuuray Kalvin Phillips.

Difaaca ayaa waxa taam usoo noqday Harry Maguire oo illaa ciyaartii hore diyaar ahaa kaddib dhaawac uu kasoo kabtay, waxaana uu Carragher doonayaa in laga garab ciyaarsiiyo John Stones.

Laakiin waxa uu kaydka dhigay Reece James oo difaaca midig ah, kaas oo uu ka doortay Kyle Walker, halka uu difaaca bidixna u xushay Luke Shaw oo uu ka doorbiday Ben Chilwell.

Shaxda Jamie Carragher uu doonayo in England ku ciyaarto kulanka Czech Republic:

England XI: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Shaw, Rice, Henderson, Sterling, Mount, Grealish, Calvert-Lewin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More