Beesha Caalamka oo Cambareyey tallaabo ay qaaday Ethiopia
Mekelle (Axadle) – Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Ethiopia ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaartay gobolka.
Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib.
Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex…