Chelsea Oo Geed Dheer Iyo Mid Gaabanba U Fuulaysa Saxeexa Haaland &

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid qorshe cusub keentay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weeraryahan Timo Werner ay doonayso inay dirto iyadoo u isticmaali karta heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi oo ay Erling Haaland ku doonayso.

25 sano jirkaas ayaa Chelsea kaga soo biiray dhinaca RB Leipzig bishii July ee sanadkii hore balse kaliya lix gool oo Premier League ah kusoo dhaliyay 35 kulan halka uu soo khasaariyay fursado dahabi ah oo aan tiro lahayn.

Marka laga yimaado inay wali afar sano ka hadheen heshiiska uu ku joogo Stamford Bridge, Blues ayaa wali doonaya inay iibiyaan oo ay lacag ka sameeyaan Werner, kanaalka Sky Sport qaybtiisa Germany ayaa sheegaysa inay jirto suurogalnimo ay Dortmund ugu bandhigi karto.

Dhinaca kale Haaland ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ee dhammaystiran qaab cajiib ah kusoo qaatay, 28 kulan oo horyaalka Bundesliga ah ayuu 27 gool kusoo dhaliyay halka uu tartamada oo dhan 41 gool kasoo dhaliyay.

Chelsea ayaa aqbashay xaqiiqada ah inay u baahantahay in dalab kasta oo ay ku doonayso Haaland ay Dortmund ku siiso ciyaaryahan iyo lacag sidoo kalena ay shaqsiyan ciyaaryahanka siin doonto mushahar ka badan midka N’Golo Kante oo haatan kooxdeeda ugu badan kana qaata 290,000 oo pound.

Si kastaba, Dortmund ayaa la sheegayaa inay ku gacan saydhay fursada ay ciyaaryahan isku bedelasho Haaland ugu diri karto Blues iyagoo ciyaaraya markale kubad adag sidii ay ku sameeyeen Man United oo Jadon Sancho ka doonaysay xagaagii hore.

Kooxdii ugu dambaysay ee lala xidhiidhiyo Haaland ayaa ah Juventus oo la sheegayo inay iyadu doonayso xagaaga dambe si ay bedel ugaga dhigto Cristiano Ronaldo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More