Is-Muujiya Kaddib….- Qorshaha Gaarka Ah Ee Ay Barcelona Ka Leedahay

Iyadoo ay soo dhawaadeen kulamadii saaxiibtinimo ee ugu horreeyay ee Barcelona, madaxda kooxdaas ayaa ka warqabta sida ay muhiim u yihiin qaab ciyaareed xoogan oo ay ciyaaryahanadeedu soo bandhigaan.

Kulamada saaxiibtinimo ee ay la ciyaari doonaan Gimnastic oo ay Arbacada la kulmayaan iyo Girona oo ay Sabtida ballansan yihiin ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara inay ka caawiyaan muhiimadooda koowaad ee suuqan ee ah inay dhimaan mushaharka ay bixiyaan.

Taas ayaa ah sababta ay Barcelona u doonayso inay kulamadaas door muhiim ah ka ciyaaraan xiddigaheeda kala ah Philippe Coutinho iyo Samuel Umtiti.

Labadaas ciyaartoy ayuu waayahoogii Camp Nou dhaawac soo dishooday taas oo sababtay inay dib u gurtaan kooxaha saxeexyadooda damci lahaa.

Si kastaba, qorshaha Barca ee xiddigahaas ayaa haatan ah “Is-Muujiya kaddib baxa” iyagoo rajaynaya inay qaab ciyaareedyo xoogan soo bandhigaan si ay usoo jiitaan kooxaha doonaya.

Sidoo kale waxa jirta suurogalnim gaar ahaan Samuel Umtiti oo uu markasta la dhacsanaa tababare Ronald Koeman haddiiba uu si buuxda isku caddeeyo uu fursada uu xilli ciyaareed kale kusii joogi karo heli karo.

Barcelona ayaa waxkasta u samaynaysa si ay u dirto xiddigaha mushaharka badan ka qaata kooxdeeda maadaama oo ay gaadhay xadigii ugu sarreeyay ee mushahar bixinta La Liga.

Barca ayaan sababtaas darteed u awoodin inay diiwaan galiso afar saxeex oo cusub oo ay samaysay isla markaana ay heshiis cusub uga saxeexato Lionel Messi oo qandaraaskiisii dhacay bishii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More