Raphael Varane Oo Gaarey Magaalada Madrid, Go’aanka Bixitaanka Ee Uu

Carlo Ancelotti ayaa bilaabi doona inuu dib u helo ciyaartoydiisa muhiimka ah toddobaadkan, kaddib markii ay muddo ku maqnaayeen kulamada caalamiga ah, waqtigaas oo ahaa xilligii isagana la magacaabay. Karim Benzema, Raphael Varane, Luka Mordic, Toni Kroos,, David Alaba iyo Gareth Bale, kuwaas oo ahaa ciyaaryahannadii tartanka kaga hadhay wareeggii 16ka, laakiin waxa waqli fasaxoodu sii socon doonaa laacibiintii soo gaadhay wareegyadii ka dambeeyey, sida Thibaut Courtois iyo Edeni Hazard.

Maalmaha soo socda, waxa jiri doona go’aamo xaasaasi ah oo ay kooxda iyo ciyaartoyda qaarkood gaadhi doonaan, gaar ahaan Varane oo dib ugu soo laabtay Madrid, walina aan ka jawaabin dalabkii ay kooxdiisu u bandhigtay si uu qandaraas cusub u saxeexo.

Laacibkan ayaa sida la fahamsan yahay aan diyaar u ahayn inuu sii joogo Madrid, waxaana uu dalabyo ka haystaa Manchester United iyo Chelsea.

United ayaa u muuqata kooxda ku horreysa tartanka loogu jiro Varane oo dhinaca kalena la rumaysan yahay inay uga dhamaatay Madrid oo ay haysato fursaddii u dambaysay ee ay ku iibin karto, haddii kalena uu sannad kaddib si bilaash ah kaga tegi doono.

Mustaqbalka Bale iyo Hazard

Diiraddu waxay aad u saaran tahay Gareth Bale oo dib ula midoobay Carlo Ancelotti xilli uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay heshiiskiisa. Laacibkan reer Wales ayaa kusoo laabtay Madrid kaddib markii uu amaah kusoo qaatay Tottenham. Xilligii ugu fiicnaa xirfaddiisa waxay ahayd waqtigii uu Carlo Ancelotti joogay Madrid.

Dhinaca kale, Hazard ayay kaamirooyinku hayn doonaan. Laba sannadood oo uu joogay Santiago Bernabeu, wuxuu ahaa mid u dhexeeyey sariirta dhaawacyada iyo bandhig liita.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More