Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Nabaddoon caan ka ahaa oo gobolka Gedo oo toogasho lagu dilay

Beled-Xaawo (Axadle) Nabaddoon caan ka ahaa oo gobolka Gedo Ayey Kooxo hubeysan toogasho ku dishay nabaddoon caan ka ahaa degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, xili uu kasoo baxay masjid ku yaal degmadaasi. Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lala dhacay dhowr xabadood, una geeriyooday, rasaastuu lagu furay. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay ee bartamaha Beled-Xaawo, xiligaasi oo nabaddoonka uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukuday salaadii cishaha. Ciidamo…

DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo kulmaaya Sabtidda

Muqdisho (Axadle) Kadib cadaadis badan oo ay beesha caalamku saartey madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ayaa lagu heshiiyey in maalinta sabtida ah la isugu yimaado shir ay albaabadu u xiran yihiin oo ay beesha caalamkuna qeyb ka tahay kaas oo ka dhacaya teendhada Afisyoone ee xayndaabka Xalane.

Sawirro: Rag qaraxyo culus fulin rabay oo la qabtay

Afgooye (Axadle) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo rag loo haysto falal la xariira Al-Shabaabnimo oo ku howlanaa diyaarinta qaraxyadaas. Ragaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe…

Dowladda federalka oo lagu eedeeyay is hortaagtey in diyaarad ka degto deegaan Garacad

Khamiis, April, 01, 2021 (AXADLE) - Masuuliyiin katirsan Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay hor istaagtay in diyaarad siday maalgashadayaal ajaanib ah ay ka degto Garacad.Wafdigaan ayaa dhowr cishe ah ku xanniban magaalada Garowe, kadib markii diyaaradihii qaadi lahaa ay diideen inay u kicitimaan magaalada Garacad. Wararku waxay sheegayaan in shirkaddaha diyaaradahu sababo amni awgeed ay uga cudur daarteen in ay u duulaan Garacad, halkaas oo maalmo ka hor lagasoo sheegay in ay dhalinyaro hubaysan ay…

Kooxaha Xuquuqda Aadanaha oo Ka dayriyay xiritaanka xeryaha qaxootiga Kenya

Khamiis, April, 01, 2021 (AXADLE) - Kenya ayaa ku amartay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xirayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.In kasta oo aysan ahayn markii ugu horreysay ee Kenya ay ku hanjabto inay xireyso xeryaha, haddana kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegaya in amarkan uu khatar gelin karo nolosha qaxootiga. Otsieno Namwaya oo ah cilmi baare sare ka tirsan Human Rights Watch,…

Maxaa looga hadlay shirkii maanta ee golaha wasiirrada?

Muqdisho (Axadle) – Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa meenta yeeshay shirkoodii Khamiislaha ahaa, kaas oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirka Golaha ayaa maanta ku qabsoomay habka fogaan aragga ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa golaha uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka…

Dabaaldaga maalinta xoriyada ee 18-Might oo la hakiyay sanadkan

Khamiis, April, 4, 2021 (AXADLE) - kalfadhigii 73aad ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan la hakiyo dabaadal daga 18-Might, caabuqa Covid-19 awgii, waxa lagu dhawaaqay shirwayne dhaqaale loogu raadinayo ladagaalanka Covid-19.Warbixin lagu daabacay boga Fb ee xafiiska madaxtooyada oo lagaga faalooday go’aamada ay soo saareen golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in la hakiyay dabaaldaga 18 Might.Warbixinta ayaa lagu yidhi “Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo…

Ra’iisal Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirradda

Khamiis, April, 01, 2021 (AXADLE) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar…

Yemen oo la gaarsiiyay tallaalka Covid 19

Khamiis, April, 01, 2021 (AXADLE) -Dalka Yemen oo siweyn u harreeyeen dagaal iyo colaado saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ayaa la gaarsiiyay tallaalka Covid 19 Tallaalkan la gaarsiyay Yemen ayaa imanaya xili dowladda dalkaasi ay ka digtay in xaalad caafimaad ba'an oo ay wajahayaan dadka dalkaasi ku dhaqan gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeeshay cudurkan safmarka ah ee Covid 19. Waxaa lagu waramayaa in qeyb ka mid ah halkii milyan ee tallaalka AstraZeneca ee loogu talagalay dalkaasi uu gaaray…

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo kala hadlaya arrimaha doorashada

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid C / laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta siyaabo kala duwan ula kulmay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya. Hogaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri: "Hogaamiyaha Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane Staffan Tillander." "Shirka waxaa looga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka, caqabadaha jira iyo sida ugu wanaagsan ee loo qaban…