Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo oo ku baxay

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si uu qayb uga qaato xalinta caqabadda hortaagan safarka Hogaamiye Cali Guudlaawe ee Magaaladaas. Socdaalka Hogaamiyaha waxaa hortaagan Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud, kadib markii uu sheegay in uusan ku qancin doorashada Hogaamiye ee DG Hir-Shabeelle oo uu damac ka lahaa. Todobaadkii tagay labo jeer…

Laamaha ammaanka DG Jubbaland oo Dad u xiray Dil ka dhacay

Magaalada Kismaayo waxaa xalay fiidkii koox hubeysan ay ku dishay AUN Dr. Yuusuf Axmed Gaacaiye oo kamid ah dhaqaatiirta caanka ah ee xarunta Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale Caasimad KMG ah u ah DG Jubbaland. Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda V-Afmadoow ee Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xarun Caafimaad uu lahaa Marxuumka sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka Magaaladaas. Kooxda dilka geysatay ayaa isaga tagtay goobta kahor inta aysan gaarin Ciidamada Nabadsugidda DG…

Midowga Musharixiinta 2021 oo war kasoo saaray Xaaladda

Ridwaan Xirsi Maxamed Afhayeenka Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 ayaa faah-faahiyay wajiga labaad ee Shirkooda uu ku saabsan daba-galka qodobadii ay ku heshiiyeen 28-ka November 2020 & la kulanka dhinacyada aysan horay ula fadhiisan. Musharixiinta ayaa ka digtay dhibaatooyin horleh oo ka dhaca Deegaannada DG Jubbaland, isla markaana la dhageysto dalabka kasoo yeeray hoggaanka maamulkaas oo ah in Ciidanka Dowladda Federaalka laga…

Deni oo amar ku bixiyay laga bilaabo 1-da Deseembar 2020 in

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya sicir bararka, isbadalka sarifka doollarka iyo cabashada Ganacsatada ayaa kulmay guddiga loo xilsaaray wax ka qabashada arrintaas. Deni ayaa soosaaray amar ah in laga bilaabo 1-da Deseembar 2020 oo ku beegan Berri oo Talaado ah canshuurta gaar ahaan Dekedda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari loo badalo Doollar, halkii Shillin Soomaali lagu qaadi jiray. Sababta waxa uu Hogaamiye Deni ku sheegay in Guddiga uu la kulmay…

Biden oo lug ka jabay isaga oo Eeygiisa la ciyaaraya! –

Hogaamiyaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lug ka jabay waxayna u badan tahay inuu xirto kabo caafimaad, kooxdiisii ayaa sidaas xaqiijiyay ka dib markii 78 jirkaan loo qaaday dhakhtarka ka dib markii jabay isagoo la ciyaaraya eeygiisa. Biden, oo noqon doona madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah marka xilka loo dhaariyo basha Janaayo ayaa waxaa gaaray dhaawac mid ka mid ah labadiisa lugood isaga oo la ciyaaraya Eaygiisa. Kevin O’Connor dhaqtar gaar ah ee…

Ururada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay xaalada

Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen hadalada ka soo yeerayo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ‘kuwaasoo walwal iyo qalqal ku abuurayo shacabka Soomaaliyeed’. War saxaafadeed Ururada Bulshada rayidka soo saareen ayaa waxay ugu baaqeen Musharaxiinta iyo dowladda inay tixgeliyaan xaalada dalka uu ku jiro, isla markaana ay ka digayaan hadalada dhalin kara dhiilo colaadeed bulshadana sii kala qeybiya, dalkana u horseeda degenaansho…

Maxkamadda CQS oo xukun ku ridday Askar loo heysto Kufsi,

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday saddex Askari oo ku eedeysan Afduub, Kufsi, Dil & ku gacansiinta kiiskaan sida ay fadhiga kahor sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda Militariga. Dhageysiga Dacwadda saddexda eedeysane ee ka kala tirsan Booliiska & Militariga Soomaaliya ayaa heerar kala duwan soo martay, waxaana maxkamadda la horgeeyay qoriga lagu dilay AUN Ismahaan Bakaal Maxamed. Xiddigle Xoogga Nuur Aadan Rashiid…

Goobaha Ganacsiga Garoowe oo maanta u xiran isbadalka

Deegaannada DG Puntland waxaa saameeyay isbadalka sarifka Doollar oo sare u kac ku yimid, cabashada ganacsatada oo gaartay maamulka waxaa ka dhashay kulamo dhowr jeer dhexmaray inkasta oo aan natiijo muuqata laga gaarin. Maamullada Gobollada Nugaal, Bari & Mudug ee DG Puntland ayaa sameeyay isu day ay ku dirqinayaan Ganacsatada qaar ee diidan qaadashada Shillin Soomaaliga, taas oo keentay in uu istaago isu socodka Ganacsiga yar yar. Maanta oo Isniin ah waxaa xiran inta…

Hoggaamiyaha Tigray oo sheegay in ay soo rideen Diyaarad

Ciidamada Ismaamulka TIgray Xooggaga waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad militari oo ay adeegsanayeen ciidanka Federaalka oo dagaal xooggan muddo saddex todobaad ah kawada ismaamulkaas. Debretsion Gebremichael hoggaamiyaha Ismaamulka Tigray oo la hadlay oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in diyaaraddaas military ay soo rideen, isla markaana ay qabteen duuliyihii Diyaaradda. Sidoo kale hoggaamiyaha Ismaamulka Tigray ayaa sheegay…

Trump oo Biden uga aarsanaya Ciidan ka saarista Soomaaliya,

Wargeyska Le Figaro ee dalka Faransiiska kasoo baxaya ayaa warbixin uu ka diyaariyay qorshaha Trump ee ka dhanka ah Biden kahor inta uusan la wareegin Hogaamiyaha 20-ka Janaayo 2021, gaar ahaan Ciidamada uu ka saarayo Dalalka Soomaaliya, Ciraaq & Afgaanistaan. Trump oo lagu garaacay doorashada 2020 ee Mareykanka ka dhacday, inkasta oo marar kala duwan uu diiday in uu aqbalo natiijada muujineysa in waayihiisa Madaxtinimo ay soo idlaatay, balse dhowaan ayuu muujiyay is…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More