Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

DAAWO Yaabkan!! Garsoorihii Kulankii Liverpool vs Arsenal Ee

Garsooraha ree England ee Craig Pawson ayaa ahaa mid indhaha caalamka xaday intii ay socotay ciyaartii uu xalay dhex-dhexaadiyaha ka ahaa ee Liverpool vs Arsenal gaar ahaan xilli uu fursad cadaan ah qasaariyay weeraryahan Alexandre Lacazette oo kooxda London ka socotay metelayay.Lacazette ayaa baas cajiib ah ka helay Dani Ceballos iyadoo uu si fool ka fool ah u wajahay goolhaye Alisson Becker balse isku dayga uu sameeyay ayaa ahaa mid sahlan oo uu goolhayaha ree Brazil xakameeyay.Lacazette ayaa qaybtii hore ahaa geesiga…

Bruno Fernandes Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Dhegaha

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa sharraxay sababta uu dhegaha u qabsado marka uu dhaliyo gool ee uu dabbaal-degga samaynayo iyo macnaha ay isaga u leedahay inuu qaabkaas u dabbaal-dego.Fernandes ayaa soo qabta labadiisa dhegood sidii uu wax dhegaysanayo oo kale, waxaanu dabbaal-deggiisani ahaa mid aanu marna ka baaqsanin intii uu joogay Manchester United ee uu goolasha u dhalinayay tan iyo dhamaadkii January.Xiddiga reer Portugal oo wax laga weydiiyey ayaa sheegay in dabbaal-deggan gaarka ah ay inantiisu u…

Fede Valverde Oo Ka Hadlay Tartanka Ka Dhexeeya Casemiro,

Fede Valverde, waxa uu kasbaday quluubta jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid sannadkii hore oo uu bandhig cajiib ahaa muujiyey, waxaanu liiska halyeeyada isku daray markii uu sabab u noqday in kooxdiisu ay ku guuleysato Spanish Super Cup bishii December oo ay Atletico Madrid koobka ka qaadeen iyadoo uu naftiisa casaan ugu huray Valverde.Guushii koowaad ee Real Madrid ay xili ciyaareedkan gaadhay, waxay ahayd Sabtidii oo ay 3-2 dirqi ahaa adkaadeen, waxaana uu Valverde ahaa laacibka gool-dhalinta u furay kooxdiisa.Fede Valverde…

50ka Xiddig Ee Ugu Shacbiyadda Badan Isboortiga Oo Lasoo

Lionel Messi ayaa loo magacaabay kaalinta koowaad ee 50ka ciyaartoy ugu suuq-geynta wanaagsan dunida, waxaanu booska kala baxay Cristiano Ronaldo oo hore kaalintaas ugu jiray.Liiska 50ka laacib ee SportsPro’s 2020 oo lasoo saaray ayaa waxa kaalinta saddexaad kaga jira xiddiga kubadda kolayga NBA-da ee LeBron James, halka Neymar uu lixaad cidhiidhsaday, laakiin feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa si weyn usoo dallacay oo kaalinta toddobaad soo galay, iyadoo uu noqday feedhyahanka kaliya ee tobanka kaalmood ee…

Maxay Ciyaartoyda Liverpool Ku Sameeyeen Andy Robertson

Andy Robertson waxa uu xalay sameeyey qalad sababay in gool caddaan ah laga dhaliyo kooxdiisa, kaddib markii uu kubadda u dhiibay weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette oo si fudud kubadda u dhaafiyey goolhaye Alisson Becker.Liverpool ayaa dib usoo dagaallantay oo saddex gool ugu beddeshay Arsenal, waxaana mid ka mid ah goolashaas saxeexay Andy Robertson oo iska soo beday qaladkii uu sameeyey.Daqiiqaddii 25aad ayaa kubbad uu Andy Robertson isku dayayay inuu iska difaaco, waxay kaga dhacday meel aanu ugu talo-gelin,…

Hordhac: Tottenham vs Chelsea | Mourinho vs Lampard –

Tottenham ayaa garoonkeeda ku ciyaaraysa markii labaad muddo shan maalmood gudahood ah, waxaanay caawa ku martigelin doontaa Chelsea oo ay ku ballansan yihiin wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup, kaas oo midkooda laga badiyo uu si toos ah uga hadhi doono tartanka.Labada kooxood ayuu kulankani ugu soo beegmay xilli ay ku jiraan toddobaad xun oo ay kulamadoodii horyaalka Premier League mid walba barbarro soo gashay, laakiin kooxda tababare Jose Mourinho oo usbuucii kasii horreeyey dhoolatus weyn samaysay ayaa ku niyadsan…

Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Ay Liverpool Xaaqday

Liverpool ayaa sii wadata guulaheeda xilli ciyaareedka cusub iyagoo 3-1 ku qaarjiyay kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.Alexander Lacazette ayaa hogaanka u dhiibay Gunners laakiin Liverpool durbadiiba ciyaarta ku soo celiyay Sadio Mane iyadoo Andy Robertson uu isla qeybtii hore hogaanka u dhiibay.Saxiixa cusub ee Liverpool Diogo Jota oo bedelay lagu soo geliyay dhamaadkii ciyaarta ayaa Liverpool u saxiixay goolka seddexaad, isagoo gool ugu dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay Liverpool ee horyaalka Premier…

Arsenal Iyo Liverpool Waa Habeen Iyo Maalin & Seddex

Liverpool ayaa sii wadata guulaha ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub iyagoo 3-1 kaga badisay kooxda Arsenal oo marti ku aheyd Anfield iyadoo sagaal dhibcood haatan hogaanka kula haya Leicester City iyo Everton.Kulankii maanta waxay soo bandhigeen wacdarahooda weerarka iyo khadka dhexe iyadoo uu ka maqnaa kabtankooda Jordan Henderson iyo saxiixooda cusub Thiago laakiin daafacooda ayaa walwal ku abuuraya Klopp.Waxaan eegeynaa seddex waxyaabood oo aan ka baranay kulankii caawa.Arsenal Iyo Liverpool Waa Habeen Iyo…

Liverpool Oo Gurigeeda Ku Gumaaday Arsenal, Diogo Jota Oo

Liverpool ayaa gurigeeda ku garaacday Arsenal oo ay ku dubteen 3-1 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Anfield iyo Diogo Jota uu furtay akoonkiisa goolasha Liverpool kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Liverpool.Arsenal ayaa goolka ku hormartay ka dib markii uu u saxiixay Alexander Lacazette laakiin Liverpool ayaa soo laabasho degdeg ah sameysay ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Sadio Mane iyo Andy Robertson ka hor inta uusan Diogo Jota oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta uusan dilin ciyaarta isagoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More