Chelsea Oo Barbarro Dirqi Ah La Gashay West Brom, Silva Oo

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa barbarro dirqi ah oo ay xilli dambe u dagaallantay waxay la gashay West Brom oo ay ku kala baxeen 3-3.

Chelsea ayaa lagaga yaabsaday saddex gool oo darandoori ah oo 27kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee ciyaarta ay West Brom ka dhalisay, waxaase ay isasoo habaysay qaybtii dambe oo ay iska soo celisay goolasha laga dhaliyey, hase yeeshee Tammy Abraham ayaa shimbirkooda noqday daqiiqaddii ugu dambaysayna u dhaliyey goolka u badbaadiyey dhibicda.

Daqiiqaddii 4aad ayay West Brom dhalisay gool uu lugta bidix u adeegsaday Robinson oo mid kalena ku daray daqiiqaddii 25aad oo uu ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo ciyaartii ugu horreysay ugu soo bilowday Chelsea. Laba daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay West Brom la timid gool saddexaad oo uu u saxeexay Kyle Bartley.

Qaybtii dambe ayay Chelsea si weyn u shaqaysay, iyadoo uu Lampard sameeyey isbeddel dhinaca taatikada iyo safkiisa ah, waxaana goolka koowaad u saxeexay Mason Mount, ka hor intii aanu Callum Hudson-Odoi mid labaad u dhiibin.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Chelsea u dabbaal-degtay dhibicda kaliya ee ay ciyaartan ka heleen, waxaanu ahaa gool uu daqiiqaddii 93aad u dhaliyey Tammy Abraham.

Chelsea ayaa saddexdii ciyaarood ee ay dheeshay waxay ka haysataa afar dhibcood, waxaanay lumisay shan dhibooc oo ahaa labada ay barbarraha caawa ku waayeen iyo saddexdii ay Liverpool ka qaadatay usbuucii hore.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA (4-3-3): Willy Caballero; Reece James, Andreas Christensen, Thiago Silva, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Mason Mount; Kai Havertz, Tammy Abraham, Timo Werner.

Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Jorginho, Ross Barkley, Fikayo Tomori, Olivier Giroud, Callum Hudson-Odoi, Cesar Azpilicueta.

WEST BROM (3-4-3): Sam Johnston; Semi Ajayi, Kyle Bartley, Dara O’Shea; Daniel Furlong, Jake Livermore, Romaine Sawyers, Conor Townsend; Matheus Pereira, Callum Robinson, Grady Diangana.

Kaydka: Hal Robson-Kanu, Matt Phillips, Rekeem Harper, Kyle Edwards, Cedric Kipre, David Button, Sam Field.

Frank Lampard ayaa ciyaarta usoo magacaabay shax adag oo ay ku jiraan xiddigaha cusub ee Kai Havertz oo saddexlay soo dhaliyey ciyaartii Barnsley ee Carabao Caup, Timo Werner iyo Thiago Silva, waxaanu kaydka dhigay goolhaye Kepa Arrizabalaga oo uu ku qicaaqabayo qaladkii uu sameeyey ciyaartii Liverpool.

Laakiin Bilic oo labadii kulan ee hore  laga soo badiyey ayaa waxa uu ciyaartan keenay weeraryahanka Robinson oo uu siiyey taatikada iyo meelaha uu kaga faa’iidaysan karayo difaaca Chelsea, inkasta oo qorshihiisa uu dhantaalay Kieran Gibbs oo kaadh ku qaatay qalad uu sameeyey ciyaartii Everton ee usbuucii hore ay guul-darradu kasoo gaadhay.

Bilowgiiba waxa laag xor ah heshay West Brom oo uu usoo tuuray Pereira oo xerada ganaaxa Chelsea soo dhex dhigay, laakiin wax khatar badan ah may keenin inkasta oo ay dhinaca goolka si toos ah ugu kacday.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!!!! West Brom 1-0 Chelsea – Daqiiqaddii 4aad ee ciyaarta ayay West Brom hoggaanka qabatay, waxaana difaaca Chelsea oo aan kululaanin weerar ay kaga soo qaadeen dhinaca midig ee uu taagnaa James. Robinson ayaa kubbad aan sidaa u xoog badnayn oo dhulka socotay ku ganay goolka isaga oo laynka xerada ganaaxa  taagan, waxaanay kubbaddu dhaaftay goolhaye Caballero oo gaadhi kari waayey.

Mason Mount iyo Tammy Abraham ayaa sameeyey fursado ay goolka barbarraha ku raadinayaan, waxaana labadii daqiiqadood ee is xigay ee 10aad iyo 11aad ay khatar geliyeen goolka West Brom.

Timo Werner ayaa daqiiqaddii xigtay isaguna kubadda birta dul mariyey kubbad loo qaatay inay gool noqonayso, laakiin Blues ayaa u samirtay oo sugayaysay weerarkooda iyo khadkooda dhexe maadaama ay ciyaartu bilow ahayd.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! West Brom 2-0 Chelsea – Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo kulankiisii ugu horreeyey ugu soo bilowday Chelsea ayaa daqiiqaddii 25aad sameeyey qalad weyn, waxaana ka siibatay kubbad baas ahayd oo loosoo dhiibay oo ka baxsatay. Robinson oo aan ka fogeyn ayaa ka boobay, isla markaana si toos ah ula galay xerada ganaaxa, waxaanu si qabow kubadda u dhaafiyey Cabellero.

Qaladkan ayaa taageereyaasha soo xasuusiyey midkii uu Steven Gerrard sameeyey sannadkii 2014kii oo kulankii ugu dambeeyey xili ciyaareedkaas ay Chelsea isku haleeleen, isla markaana ay Reds u baahnayd inay guuleysato ama barbarrayso si ay koobka horyaalka u qaaddo, laakiin weeraryahankii Chelsea ee waqtigaas ee Ba ayaa kubadda oo ka hoos baxday Gerrard shabaqa ku hubsaday, sidaana waxa horyaalka ku qaadday Man City.

Laba daqiiqadood oo khalkhal ah kaddib, waxa culayskeeda iyo weerarka layaabka leh sii wadday West Brom oo ka faa’iidaysanaysay khadka dhexe oo ay kubadda isla heli waayeen Kante iyo Kovacic, waxaana heleen koorne.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! West Brom 3-0 Chelsea!!! Koorne lasoo laagay ayaa waxa madax kusoo qabtay Furlong oo kubadda u keenay Kyle Bartley oo goolka Chelsea agtaagan, waxaanu dhinaca kale ka dhigay goolhaye Caballero. Ciyaartoyda Chelsea ayaa u qaatay inay offside ahayd laakiin difaaca James ayaa dhex-taagnaa oo ay fursadda ka heshay West Brom.

Qaybtii labaad ayuu Frank Lampard bilowgeediiba soo raaciyey Azpilicueta iyo Callum Hudson-Odoi si uu u firfircoonaysiiyo safkiisa difaaca ee kala daadsan iyo weerarka caajisku ka muuqdo, waxaanu dib usoo yara celiyey Mason Mount oo weerarka ku dhowaa.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! West Brom 3-1 Chelsea!! Toban daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad ayuu Mason Mount goolka koowaad ee Chelsea niyadda ugu dhisay laacibiintiisa qalbi jabku ka muuqday, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Cesar Azpilicueta oo beddel kusoo galay.

Dardar hor leh ayay Chelsea bilowday, waxaanay weerarro ku ekaysay goolka West Brom oo intii dambe dib u yara degtay laakiin haddana khatarteeda lahayd oo halis badan ku haysay difaaca Chelsea.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! West Brom 3-2 Chelsea!!! Laacibka beddelka kusoo galay ee Hudson-Odoi ayaa gool u beddelay kubbad uu ka helay saaxiibkiisa Kai Havertz oo dhinaca midig kasoo galay, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-2.

Shan daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka Chelsea ayay West Brom aad ugu dhowaatay inay hoggaanka ciyaarta sii dheeraysato, waxaana xerada ganaaxa kubadda la yimid Robson-Kanu oo ahaa xiddig ay Blues iska qaban kari waayeen, laakiin lugta midig oo uu kubadda ku laagay ayaa waxay keentay inay kubaddu dhinaca bidix uga leexato goolka.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! West Brom 3-3 Chelsea!!! Tammy Abraham ayaa daqiiqaddii 93aad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta waxa uu kooxdiisa Chelsea u dhaliyey goolka barbarraha, taas oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen Blues oo u muuqatay in ciyaartii labaad oo xidhiidh ah laga badinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More