Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii West Brom vs Chelsea –

Chelsea ayaa kulan musalsal ah waxay la ciyaartay West Brom oo ay ugu tagtay garoonka The Hawthorns, waxaanay ku kala baxeen barbarro 3-3 ah, iyadoo daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah ay Blues heshay goolka ka badbaadiyey guul-darrada oo uu Tammy Abraham u saxeexay.

Blues ayaa cashar loo dhigay qaybtii hore, waxaana laga dhaliyey saddex gool oo aanu waqti badan u dhaxaynin iyadoo uu qalad weyn sameeyey difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo kubbad u hadiyeeyey West Brom.

Callum Robinson ayaa labada gool ee  hore u dhaliyey West Brom daqiiqadihii 4aad iyo 25aad, waxaana mid kale oo saddexaad u raaciyey Kyle Bartley daqiiqaddii 27aad, iyadoo difaaca iyo goolhayuhuba ahaayeen kuwo aan isla haysanin.

Laakiin qaybta dambe ayay Blues isbeddel weyn isku soo samaysay, waxaanay goolka koowaad dhashadeen daqiiqaddii 55aad oo uu Mason Mount u saxeexay, waxaana mid kale raaciyey Hudson-Odoi daqiiqaddii 70aad, iyadoo ciyaartuna ahayd 3-2 illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 93aad oo uu Tammy Abraham goolka barbarraha u saxeexay kooxdiisa, guul-darrana kaga badbaadiyey.

Xiddigii garoonka

Mason Mount oo Chelsea goolka hore u dhaliyey ayaa qayb weyn ka qaatay soo laabashada naadigiisa, waxaana uu noqday xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, iyadoo uu ku garaacay Robinson oo laba gool dhaliyey oo uu ka sarreeyey.

Mount ayay isku qiimayn noqdeen Robinson laakiin telefishanka Sky Sports oo ciyaarta baahinayay ayaa u doortay inuu ahaa laacibka ugu wanaagsan ciyaarta.

Ciyaartoyda West Brom ayaa intooda badan wanaagsanaa, waxaana shan ka mid ah ay qiimaynta kulanka ka heleen darajada 7, mana jirin laacib ka sarreeyey intaas xataa xiddiga garoonka ee Mason Mount.

Laakiin Chelsea ayay labada ciyaartoy ee beddelka kusoo galay ee Azpilicueta iyo Hundson-Odoi kula biireen Mason Mount qiimaynta ugu sarraysay kulanka ee darajada 7, halka ay inta badan xiddigaha Lampard ahaayeen kuwo hurda.

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva iyo saaxiibkii Alonso ayaa ugu liitay kulanka oo dhan, waxaanay heleen qiimayntii ugu hoosaysay kulanka, laakiin waxa aan waxba dhaamin N’Golo Kante, Kovacic, James, Christensen iyo Caballero oo min 5 ka helay qiimaynta kulanka.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood:

West Brom: Johnstone (6), Furlong (6), Bartley (6), Ajayi (6), O’Shea (7), Townsend (6), Pereira (7), Livermore (6), Saywers (6), Diangana (7), Robinson (7)

Beddelka: Robson-Kanu (6), Phillips (5), Field (NA)

Chelsea: Caballero (5), James (5), Christensen (5), Silva (4), Alonso (4), Kante (5), Kovacic (5), Mount (7), Kavertz (6), Abraham (6), Werner (6)

Beddelka: Azpilicueta (7), Hudson-Odoi (7), Giroud (6)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More