Lampard Oo Ka Hadlay Sababta Uu Keyd U Geliyay Goolhaye Kepa
Tababare Frank Lampard ayaa gaaray labo go’aan oo waa weyn kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda West Brom iyagoo doonaya inay ku soo laabtaan wadada guusha ka dib guuldaradii ka soo gaartay Liverpool isbuucii la soo dhaafay.
- Advertisement -
Goolhaye Kepa Arrizabalaga oo qalad sameeyay kulankii Liverpool ayaa lagu ciqaabay in loo dhaadhiciyay kursiga keydka iyadoo lagu soo bilaabay goolhaye Willy Caballero halka goolhayaha cusub Mendy uu weli kooxda tababar la qaadanin.
Tababare Lampard ayaa ciyaarta ka hor la weydiiyay go’aankiisa la xiriira inuu Kepa keyd geliyay, wuxuuna ku jawaabay:
“Waa doorasho dhanka qaab ciyaareedka ah, Willy wuxuu ciyaaray kulankii Barnsley, si fiican ayuu u dheelay, wuxuuna ilaashada shabaqa sidaasi darteed kalsooni ayuu qabaa” ayuu yiri.
“Dabcan Kepa waqti adag ayaa soo maray kulankii aan la ciyaarnay Liverpool, waan ognahay taas, sidaasi darteed waxa dareemay inay tahay waxa ugu fiican kulankaan in Willy lagu soo bilaabo”
Lampard ayaa sidoo kale kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ku soo bilaabay daafaca waayo araga ah Thiago Silva oo 36 sanno jir ah kaasoo kooxda si xor ah ugu soo wareegay dhamaadkii bishii hore.
Muddo ka yar bil ayuu la joogaa kooxda, waxaana haatan laga dhigay kabtanka kooxda kulankiisii ugu horeysya ee Premier League madaama ay shaxda ka maqan yihiin Azpilicueta iyo Jorginho.
“Khibrad, tayo iyo hogaamin ayaan ku doortay” ayuu yiri Lampard. “Thiago wuxuu kabtanimada ku qaatay kaliya ku jiritaankiisa garoonka. Wuxuu soo ahaa guuleyste waayihiisa ciyaareed oo dhan, sidaasi darteed waxaan doonayaa inaan guulihiisa aragno”