Carlo Ancelotti Oo Abuuray Koox Wacdarro Ka Dhigeysa Premier

Everton ayaa gaartay guushii seddexaad ee isku xigta ee horyaalka Premier League, waana kooxda kaliya ee ilaa iyo haatan 9 dhibcood ku hogaamineyso horyaalka ka dib markii ay 2-1 uga soo badiyeen Crystal Palace.

- Advertisement -

Ka dib guulo waa weyn oo ay ka soo gaareen Tottenham Hotspur iyo West Brom, kooxda Carlo Ancelotti ayaa si cajiib ah ku bilaabatay kulankii maanta ka dhacay Selhurst Park.

Everton ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 10aad markii markii Dominic Calvert-Lewin uu sii watay gooldhalintiisa isagoo shabaqa soo taabtay ka dib kubad uu u soo celiyay Seamus Coleman.

Palace ayaa ciyaarta ku soo laabatay markii Cheikhou Kouyate uu madax ku dhaliyay koorno uu soo qaado Andros Townsend.

Laakiin Everton ayaa hogaanka ku soo laabatay shan daqiiqo ka hor waqtiga nasashada markii uu Richalison rigoore dhaliyay, rigoorada ayaa aheyd mid muran uu ku jiray inkastoo uu kubada gacanta ku taabtay Joel Ward.

Michy Batshuayi iyo Christian Benteke ayaa bedel ugu soo galay kooxda Crystal Palace ee uu macalinka u yahay Roy Hodgson laakiin inkastoo ay cadaadis saareen Everton hadana Palace waa ay awoodi waayeen inay helaan goolka barbaraha.

Guushaan ayaa ka dhigan in Everton ay tahay ilaa iyo haatan kooxda kaliya ee wada badisay dhamaan seddexdii kulan ee ay ciyaareen xilli ciyaareedka cusub.

Waxay hogaanka ku hayaan sagaal dhibcood, kaliya kooxaha kala ah Liverpool, Arsenal iyo Leicester ayaa fursad u heysta isbuucaan inay hogaanka la qabtaan Everton iyadoo Liverpool iyo Arsenal ay habeenka Isniinta ku balansan yihiin Anfield.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More