Thiago Silva Oo Rikoodh Qariib Ah Ka Dhigay Horyaalka

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa  lagu daray liiska ciyaartoy naadir ah oo soo maray horyaalka Premier League, kaddib markii uu kusoo bilowday kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka ah ee uu u safto Chelsea.

Thiago Silva ayaa Chelsea ugu soo biiray heshiis xor ah xagaagan markii uu dhamaaday qandaraaskiisii PSG, isla markaana uu iska diiday inuu u saxeexo heshiis uu sannad kale kusii joogi lahaa kooxda reer France.

36 jirkan ayaa kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray PSG finalkii Champions League ee bishii August dhamaadkeeda, taas oo ay Bayern Munich koobka kaga guuleysatay hal gool.

Laacibkan ayaa doortay inuu soo afjaro siddeed sannadood oo uu joogay PSG oo uu kaga biiray AC Milan, waxaana uu ku doortay horyaalka Premier League inuu xajisto booskiisa xulka qaranka Brazil oo uu doonayo inuu u ciyaaro koobka adduunka 2022 lagu qaban doono waddanka Qatar.

Chelsea oo xagaagan lasoo wareegtay raxan ciyaartooyo ah, ayaa waxa uu tababare Frank Lampard uu kulanka West Brom kusoo bilaabay difaaca reer Brazil ee Thiago Silva iyo labada saxeex ee cusub ee Kai Havertz iyo Timo Werner.

Silva ayaa waxa uu hore ugu soo bilowday ciyaartii Barnsley ay ku karbaasheen 6-0 oo 60kii daqiiqadood ee ugu horreeyey uu dheelay, laakiin ciyaartan West Brom ayaa uu ku galay liiska ciyaartoy dhif ah oo soo maray horyaalka Premier League.

Ruug-caddaaga reer Brazil ayaa noqday ciyaartoygii afraad ee aan u dhalan British ama Irish ee ugu da’da  weynaa ee abid ka ciyaara horyaalka Premier League, waxaana kaliya ka horreeyay saddex laacib oo kaliya ay is-dheer yihiin maalmo.

Bruno ayaa ah ciyaartoyga ugu da’da ee ajaanibka ah ee ka ciyaaray Premier League, waxaana uu saftay isaga oo ay da’diisu tahay 36 sannadood iyo 315 maalmood isaga oo u ciyaarayay Brighton.

Halyeygii Real Madrid ee Fernando Hierro oo markii uu ciyaaraha kasii fadhiisanayay ku biiray Bolton ayaa saftay isaga oo 36 sannadood iyo 151 maalmood jiray, halka uu Roberto Mancini u ciyaaray Leicester City isagoo 36 sannadood iyo 54 maalmood jira.

Thiago Silva oo kaalinta afraad soo galay ayaa Chelsea ugu soo bilowday ciyaarta West Brom isagoo ay da’diisu tahay 36 sannadood iyo 4 maalmood.

Dhinaca kale, Thiago Silva ayay fadeexadi usoo hoyatay ciyaartiisan, waxaana qalad uu sameeyey uu sababay goolka labaad ee laga dhaliyey ciyaartan.

Kubbad loosoo dhigay Silva ayaa ka siibatay, waxaana ka hoos qaatay Robinson oo si toos ah ugula cararay dhinaca goolka, isla markaana kubadda daba mariyey Caballero.

Thiago Silva ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee kulankii ugu horreeyey sameeya qalad sababa gool toos ah tan iyo August 2018 oo difaaca Issa Diop uu sidan oo kale qalad u sameeyey kulan kooxdiisa West Ham la ciyaartay Arsenal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More