Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Garaacday

Guul weyn ayay u aheyd Man United kulankii maanta ka dib guuldaradii lama filaanka aheyd ee ka soo gaartay Crystal Palace isbuucii la soo dhaafay, laakiin natiijada ciyaarta kama tarjumeyso wixii ka dhacay Amex Stadium.

Brighton waxay birta garaacay shan jeer kulankaan, waana kooxdii ugu horeysay ee tiro intaas la eg birta garaacda hal kulan oo Premier League ah tan iyo markii la bilaabay uruurinta xogta horyaalka sannadkii 2004. Brighton ayaa sidoo kale laga badiyay iyagoo helay 18 darbo oo goolka ku bartilmaameedsan.

Man United ayaa u baahan inay sameyso horumar badan haddii ay doonayaan inay ka mid noqdaan afarta kooxood ee ugu sareeya horyaalka.

XIDDIGII FASHILMAY MAANTA

Man United aad ayay u liidatay maanta inkastoo ay badiyeen. Aaron Wan-Bissaka qaladaadkiisa waa ay badnaayeen, halka Victor Lindelof uu mar walba joogay meel aan booskiisa aheyn, halka Paul Pogba uu guuldareystay inuu dhameystiro labo baas oo isku xigta. Anthony Martial ayaa isna boos buuxis garoonka ugu jiray isagoo aan waxba ku soo kordhinin kooxda.

XIDDIGA GAROONKA

Leandro Trossard. Waa qariib in xiddiga garoonka loo magacaabo xiddigii seegay fursada ugu badan laakiin birta ayaa ka beenisay inuu seddexleey dhaliyo maanta, wuxuu dhibaato joogta ah ku ahaa Man United. Trossard wuu u qalmaa xiddiga garoonka. Ma jiro ciyaaryahan United ah oo muuqday, haddii uusan nasiibka diidi laheyn Trossard wuxuu guusha ku hogaamin lahaa Brighton.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Brighton: Ryan 6, Lamptey 8, White 7, Dunk 5, Webster 6, March 7, Alzate 8, Lallana 6, Trossard 8, Connolly 6, Maupay 6.

Bedel: Gross 6, Jahanbakhsh 6.

Manchester United: De Gea 7, Wan-Bissaka 4, Lindelof 4, Maguire 5, Shaw 5, Matic 6, Pogba 3, Fernandes 7, Greenwood 6, Martial 4, Rashford 6.

Bedel: Bailly 6, Fred 6, Van de Beek N/A.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More