Shaxda Rasmiga Ah Ee West Brom vs Chelsea – Goolhaye Kepa Oo

Chelsea ayaa caawa marti u ah kooxda West Brom iyagoo doonaya inay wadada guusha ku soo laabtaan ka dib guuldaradii ka soo gaartay kooxda Liverpool isbuucii la soo dhaafay.

Labada kooxood ayaa leh lama hami oo kala duwan xilli ciyaareedkan, Chelsea waxay u tartameysaa afarta kaalimood ee ugu sareysa halka West Brom ay u tartameyso inay ka badbaado u laabashada horyaalka heerka labaad.

Laakiin sida aan aragnay kulamadii ugu horeeyay ee Premier League ee xilli ciyaareedkan, kulamada waa kuwa aan la saadaalin karin.

Chelsea waxaa weli ka maqan Christian Pulisic iyo Hakim Ziyech iyadoo Pulisic uu ka soo kabsanayo dhaawac muruqa bowdada ah halka Ziyech uusan weli ka soo kabsanin dhaawaciisa jilibka.

Goolhayaha fashilmay Kepa Arrizabalaga ayaa kursiga keydka loo dhaadhiciyay ka dib qaladkii uu sameeyay kulankii Liverpool halka Caballero lagu soo bilaabay kulanka caawa iyadoo goolhayaha cusub Edouard Mendy ay waqti dhow ku noqotay inuu ka qeyb qaato kulanka caawa.

Thiago Silva ayaa lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysya ee Premier League isagoo loo magacaabay kabtanka kooxda wuxuu ka garab ciyaaraya Christensen halka daafacyada garbaha ay ka dheelayaan James iyo Alonso iyadoo khadka dhexe ay ku soo bilowdeen Kante, Kovacic iyo Mason Mount iyadoo Jorginho keyd la geliyay.

Weerarka waxaa iska garab ciyaarayaya Havertz, Abraham iyo Timo Werner.

SHAXDA RASMIGA AH:

Chelsea: Caballero, James, Christensen, Silva (C), Alonso, Kante, Kovacic, Mount, Kavertz, Abraham, Werner

Keyd: Kepa, Jorginho, Barkley, Tomori, Giroud, Hudson-Odoi, Azpilicueta

West Brom: Johnstone, Furlong, Bartley, Ajayi, O’Shea, Townsend, Pereira, Livermore (C), Saywers, Diangana, Robinson

Keyd: Button, Robson-Kanu, Phillips, Harper, Edwards, Kipre, Field

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More